HESHIISKII LAGU SAXIIXAY GAALKACYO OO FASHILMAY IYO DAGAAL MAANTA DIB UGA BILAABMAY GALKACAYO

0
14

Gaalkacyo (SAXILNEWS.COM)_Iyadoo shalay magaalada Gaalkacyo ay heshiis ku kala sixiixdeen madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay warbaahinta ka sheegeen in ay xal ka gaareen dagaalladii dhacay, shacabkana ugu baaqeen in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan ayaa waxaa goordhow uu dagaal xooggan ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

 

  

Dagaalkan oo ah mid xooggan ayay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, ayadoo dadka qaar ee degan xaafadaha degmada Gaalkacyo ay lasoo darastay xaalad adag.

Wararka aanu ka goob joogayal ku sugan ayaa sheegay in uu dagaalku yahay mid aad u xooggan oo ay dhiancyadu isku adeegsanayaan madaafiic iyo hub kala duwan.

“Dagaal aad u culus ayaa socda, madaafiicdu waxay ku hoobanayaan xaafadaha degmada, dagaalkuna waa uu socdaa, xaaladduna way kacsantahay,” Arrintan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dadaaladii nabadeed ee ay hormuudka ka ahaayeen madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

RW Somalia, madaxweynayaasha maamul-goboleedyadii nabadeynta u tagay Gaalkacyo iyo mas’uuliyiintii kale ayaa weli ku sugan magaalada Gaalkacyo oo uu iminka ka socdo dagaalka.

Si kasta oo aya ahaato wali laama hayo waxa khasaare oo soo kala gaadhay dagaalka u dhexeya mamul gobaleedada

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here