Saxilnews.com
Haweenaydii xabbadda sanka ka galisay Benito Mussolini
February 21, 2021 - Written by editor
Mussolini oo uu ka muuqdo dhaawicii xabbadda

Markii ay taariikhda ahayd 7-kii bishii April, 1926-dii, haweenay irish ah ayaa kasoo dhexbaxday dadweyne farobadan oo isugu soo baxay magaalada Rome, kadibna bastoolad inta lasoo baxday ayay xabbad sanka kaga toogatay hoggaamihii awoodda badnaa ee Talyaaniga Benito Mussolini, hase yeeshee waa uu ka badbaaday isku daygii dilka.

Waxay ka mid ahayd afar qof oo isku dayay in ay dilaan hoggaamiyahan, balse iyada waxa ay ahayd qofkii ugu dhowaa ee sigay Mussolini. Gabadhan oo lagu magacaao Violet Gibson ayaa lagu tilmaamay geesiyaddii qarnigii 20-naad ee isku dayday in ay ka hortagto siyaasaddii fashiistenimada ee Mussolini.

Hadda waxaa socda qorshe loogu dhisayo taalo lagu xusuusato, taas oo laga dhisayo magaalada Dublin.

Saddex xabadood ayay ku ridday Mussolini, ka hor inta aysan xabbadda qoriga ku rakanin.

Kadib markii ay muddo ku xirnayd xabsi ku yaala Talyaaniga, ayaa markii dambe loo wareegiyay dalka Ingiriiska oo ay u dhalatay. Waxa ay geeriyootay sanadkii 1956-dii.

.
Qoraalka sawirka,Gibson

Mas’uul ka tirsan dowladda hoose ee magaalada Dublin Mannix Flynn oo golaha deegaanka u gudbiyay mooshin la doonayo in lagu meelmariyo xuska taariikheed ee haweenaydan ayaa BBC-da u sheegay in falalka geesinimada leh ee haweenka markasta la xaqiri jirey.

Qisada haweenaydan ayaa laga jilay filim, waxaana laga qorey buugaag.

Kumuu ahaa Benito Mussolini?

Mussolini wuxuu ahaa guddoomiyihii xisbigii National Fascist Party, wuxuuna hoggaanka Talyaaniga la wareegay waxyar kadib dagaalkii koowaad ee adduunka, isaga oo ay caawinayaan ciidamo dhar madmadoow xiran oo aad u hubeysan.

Waxa uu gebi ahaanba burburiyay nidaamkii domoqoraadiga ahaa, isaga oo taageeray Adolf Hilter-kii Jarmalka iyo Jeneraal Francisvo Franco ee dagaalka sokeeye ka waday Spain.

Wuxuu dhaqangaliyay qaar ka mid ah siyaasidihii Hitler, sida in uu dadka yahuuda ah ka xayuubiyay xuquuqdoodii Talyaaniga, waxaana la sheegay in wax ka badan 7 kun oo Yuhuud ah ay ku dhinteen Talyaaniga xilligaasi.

Mussolini ayaa la dilay sanadkii 1945-tii kadib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamadii isbahaysiga isaga oo isku dayayay in uu baxsado

COMMENTS
Latest News