Shilkan ayaa yimi kaddib markii ay is galeen oo ay isku dhacaeen laba gaadhi oo ah nooca waaweyn,kuwaasi oo kala ahaa gaadhi nooca waaraadka ah oo sidey dadkii ka hayaameey abaaraha ee gobolada Bariga Somaliland,kuwaasi oo u hayaamey dhinaca galbeedka Somaliland iyo gaadhi ah nooca loo yaqaano Iska-rogada ama shaambooga oo sidey ciid.
Shilkan ayaa sababey dhaawaca tiro badan,maadaama uu gaadhiga waaraadka ah uu sidey dad u badnaa caruur iyo haween,kuwaasi oo ahaa qoysas watey xoolahoodii.
Goob-joogayaal ku sugnaa goobta uu shilka ka dhacay ayaa noo xaqiijiyey in ay jireen dhaawac badan oo ka dhashey shilkaasi,kuwaasi oo loola cararey dhinaca cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee Shilkan ayaa sababey dhaawac badan,halka qaarkoodna ay aad u liiteen,mana jiro wax dhimasho ah oo shilkaasi ka dhashey.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allaah. Isha Ku Hay Saxilnews.com