Saxilnews.com
Hargeysa(ANN)-Shirkaddaha Laydhaka ayaa kordhiyay qiimaha ay hore ugu bixin jireen Laydhka,
June 3, 2022 - Written by admin

Hargeysa(SN)-Shirkaddaha Laydhaka ayaa kordhiyay qiimaha ay hore ugu bixin jireen Laydhka, kaddiib markii ay labada dhirkadood ee ugu waaweyn Tec-Telesom Iyo SomPawer ee Laydhka siiya Magaaladda Hargeysa ku heshiiyeen in ay kordhiyaan qiimaha.

Labada shirkadood ee Tec-Telesom Iyo SomPawer, ayaa ku heshiiyay in ay qiimaha halkii Unit ee Laydhka lagu kordhiyo$0.30, halka markii hore Unit-kii ahaa $0.50, taas oo hadda ka dhigaysa qiimaha halkii Unit $0.84,

Shirkaddaha Laydhka, ayaa sidoo kale qiimaha Laydhka dhowaan ku kordhiyay Magaaladda Berbera, waxayna halkii Unit ku kordhiyeen $019, halkii markii hore ahaa halkii Unit $0.30, taas oo ka dhigaysa hadda halkii Unit  $0.49.

Hase yeeshee Kommishanka Tamarta ayaa qoraal ay soo saareen ki sheegay in aannay in shirkadduhu ku tallaabsan qiime cusub oo ay ku kordhiyaan Laydhka ilaa heshiis laga gaadhayo.

Qoraalka ay soo saareen Kommishanka Laydhka oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Kommishanka Tamarta, ayaa u qornaa sidan:-

COMMENTS
Latest News