Saxilnews.com
HARGEYSA: CIIDAMADDA POLICE-KA OO TOOGTAY DAREEWAL WATAY GAADHI NOOCA XAMUULKA AH February 14th, 2015
February 14, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-

Allaha u raxmadee marxuum Rashiid Saleebaan Aw-Axmed ayaa xalay niskii danbe abaara sadexdii ciidamada Booliiska Hargeysa ku dileen kantarolka Hargeysa ee Balligubadle looga baxo.

Marxuum Rashiid ayaa ayaa markii la dilay watey Gaadhi Nooca xaamuulka qaada oo isagu uu lahaa,waxayna xogguhu tibaxayaan in markii uu kantaroolka soo istaageyba laba Askari xagiisa ku dhaqaaqeen,tooshna ku ifiyeen balse isla amintiiba mid ka mid ah labadaa Askari Rasaas ku furay halkaasna ku dilay.
Inkastoo aanay jirin wax warara oo ka soo baxay dhinaca Ciidanka booliiska Somaliland waxaa haddana wararka la hayaa sheegayaan in Askarigii Marxuum Rashiid dilay aad yar oo dhalatay magaalada dhinac ka xulay, halka Askarigii la socday ka wax dilayna la xidhay.
Askarigan wax dilay ayaa la sheegay ilaa hadda inaaney muuqan wax dhaqdhaqaaqa ama xarkaada oo muujinaya ama ku foogan soo qabashadiis ,ama dabagalkiisa halka maydkii marxuumka la dilayna saaka la soo qaadey oo Qolka Meydka Cusbitaalka Guud ee hargeysa la dhigay halkaas oo uu ilaa hadda yaallo.
Source Qarannews

COMMENTS
Latest News