Saxilnews.com
Halbeegga Kalsoonida Nafta ….Turjumiddii: C/raxmaan C/laahi Warsame Q…1aad
August 12, 2015 - Written by admin

ijaabi Heerka Kalsoonida Naftaada.

Dhammaan dadka horumarka la taaban karo ka gaadhay nolosha qaybeheeda kala duwan, waxa la ogaaday inay leeyihiin hal astaan oo dhammaantood ay ka simanyihiin, waana hadba inta ay naftooda ku kalsoonyihiin.

Kalsoonida xooggani qofka waxay gayaysiisaa inuu noqdo qof hal abuur leh, khataraha waajihi kara, isla markaana guul ka soo hooya arrin kasta oo uu u dhaqaaqo. Haddaba tijaabadani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato heerka kalsoonida naftaada. Xataa qofka u malaynaya in kalsoonidiisu dhisantahay waa uu sii horumarin karaa heeka kalsoonidiisa.

Qaabka Loo isticmaalayo Tijaabada

Tijaabadani waxay waxtar fiican yeelanaysaa islamarkaana marba marka ka danbaysa qiimo kuu sii yeelanaysaa hadba inta jeer

ee aad samayso. Sidaa daraaddeed waxa lagama maarmaan ah in qofku marka uu muddo joogaba dib ugu ceshado, isaga oo isku eegaya dhibcihii hore iyo kuwa danbe.Calaamadi jawaabta aad is leedahay waad ku sifowdaa, adiga oo daacad ka ah naftada. Marka aad dhammayso isticmaal jaantuuska ka danbeeya si aad u ogaato heerka kalsoonidaada. Haddii aad dhawr jeer samayso, mar kasta keyso dhibcaha si aad ula socoto horumarkaaga.

Halbeegga Kalsoonida Nafta

1. Afkaartayda iyo ficilladayduba waxay marwalba ka tarjumaan waxa ugu sarreeya ee ay naftaydu jeceshahay.

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

2. Marwalba si fiicanbay iigu cadyihiin oo aan ka laallaabad lahayn, waxa aan aaminsanahay inay sax yihiin islamarkaana wanaagsanayihiin

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

3. Xaaladuhu marka ay kacaan ama murgaan waxaan ahaadaa qof deggan oo si ka fiirsasho leh u waajaha

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

4. Marka aan dib u eego go’aanno aan qaatay xaalado qallafsanaa waa aan ka warwaraa

a. Marnaba b. dhifdhif c. marmar d. inta badan e. marwalba

5. Waan aqaannaa waxa hadafkaygu yahay iyo marka uu suurtagal yahay, waxaan xoogga saaraa hadba hadaf ama yool kaliya, illaa mid walba aan ku guulaysto

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

6. Ka soo qaad inaad heshay lacag hal Milyan oo Dollor ah, maxaad ku qabsan lahayd lacagtaa

a. Noloshayda oo dhan ayaan baddali lahaa

b. Inta aanan badalin ayaan ka fiirsan lahaa go’aannada

c. Waxaan samayn lahaa is baddallo kooban balse dhakhso ah

d. Muddo kadib ayaan is-baddal samayn lahaa

7. Gabi ahaan masuuliyadda naftayda waan aqbalaa iyo wax kasta oo igu dhaca

a. Marwalba b.inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

8. Waxaan qabtaa waxaan jecelahay inaan sameeyo

a. Mawalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

9. Marka aan yool/hadaf dhigto waxaan u samaytaa wakhti kama danbays ah “dead-line” oo aan ku dhammaystiro

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

10. …………………….Waxaan dareemaa inaan shaqadii saxda ahayd hayo

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

11. ………………… waan aqaannaa waxa uu yahay qiyamkayga iyo qawaaniintayda nololeed waanay ii qoranyihiin

a. Mawalb b. intabadan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

12. Yoolalkayga/ahdaaftayda waxaan u kala horraysiiyaa sida ay noloshayda muhiimad ugu kala leeyihiin

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

13. Xidhiidh aan ku jiray waxaan jaraa oo kaliya marka aan xaqiiqsado inay tahay wakhtigii saxda ahaa ee aan jari lahaa

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

14. Waan aqaannaa waxa aan qaban karaa waxa uu yahay ee aanay dhaafi Karin awooddayda jidheed iyo tayda maskaxeedba

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhif dhif e. marnaba

15. Marka qof aanu wada shaqaynnaa i xumeeyo, saacado badan ayaan sii cadhaysnaadaa

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

16. Wax kasta oo noloshayda ka hor yimaadda, intii aan fal-celin ka bixin lahaa, waxaan door bidaa inaan waayo-aragnimo ka qaato oo ka faa’ido

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

17. Waxaan jeclahay inaan caaddifaddayd xakameeyo si aan farxad ugu noolaado

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

18. Si deggan ayaan ugu tagaa marka maamulahaygu xafiiskiisa iiga yeedho

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

19. Marka qof igu jaro gaadhi waddada dhexdeeda waan cadhoodaa

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

20. Marka waraysi layla galayo, waxaan xaaladdaa u arkaa inay tahay inaan muujiyo awoodahayga iyo meelaha aan ku fiicanahay.

a. Marwaba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

21. Waxaan jeclahay oo aan raacaa dadka kalsoonida leh ee dhanka wanaasan wax ka eega

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d.dhifdhif e. marnaba

22. Waxaan aaminsanahay in wax walba muhiimad gaar ah leeyahay, sidaa daraaddeed waxaan marwalba is hor dhigaa hiigsigayga

a. Aad u raacsan b. yara raacsan c. dhexdhexaad d. ka soo hor jeeda e. aad uga soo hor jeeda

23. Fursad walba waxaan uga faa’idaystaa inaan dadka quluubtooda ku beero niyad wanaag

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhif dhif e. marnaba

24. Dadku markay ila hadlaan waan ka farxiyaa

a. Marwalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

25. Sidaydaba dadka kale waan xiiseeyaa

a. Mawalba b. inta badan c. marmar d. dhifdhif e. marnaba

C/raxmaan C/laahi warsame

Hargeysa somaliland

Barnaamij Soo Saare ka tirsan TV-ga Slntv

By Mahamed Hassan Adam(Faradeero)

COMMENTS
Latest News