HAL LA ILAAWEY IYO HALDOORKA BERBERA “Dharraaro ba ninkii nool wax baa dheygag galiyee” haddii aan meeriskaa murtida af-soomaaliga ka mida aan hadalkeyga ku bilaabo koley intiina caqliga fiicani wada garateen ujeedada iga yeedhsiisey, waxba ayaanan kugu dheereyn hadalkee ciwaankeyga HAL, LA ILAAWEY IYO HALDOORKA BERBERA

0
33
  1. Berbera (Saxilnews.com)-HAL LA ILAAWEY IYO HALDOORKA BERBERA
    “Dharraaro ba ninkii nool wax baa dheygag galiyee” haddii aan meeriskaa murtida af-soomaaliga ka mida aan hadalkeyga ku bilaabo koley intiina caqliga fiicani wada garateen ujeedada iga yeedhsiisey, waxba ayaanan kugu dheereyn hadalkee ciwaankeyga HAL, LA ILAAWEY IYO HALDOORKA BERBERA waxaa igu dhaliyey markii aan arkey sawirada dad shahaadooyin lagu maamuusey oo loo boqrey inay yihiin hal-doorka Berbera waan yaabey lakiin waxaan nafteyda ku jalbeebiyey (ILAAHAY HALDOORKEENA INTAA WUU KA BADIYEY).
    Shaqsiyaadka loo baqrey haldoornimada waxaan weydiinayaa su,aashan oo koley dadweynuhu jecelyihiin iney idin weydiiyaan. Su,aashu waxaa weeyi hebelow ninka rag ka soo dhax baxay ee haldoorkooda noqdey ma adigaa?
    Malinta aanu jawaabtada helno ayaanu wixii aad ku noqotey is sababta ku weydiin doonaa. Horta binu aadamka ilaahay baa u doortey inay aduunka hogaamiyaan isagaana ka xisaabin doona hadaba runtii waxaa hadaba isweydiin mudan cidii qiimeynta sameysey (personal evaluation) halbeega cabir ee ay qaateen horta ma xuma oo dhiiri galin ayay sameeyen lakiin waxay ka tageen dadkii mudnaa in la abaalmariyo oo dhiiri-galin la siiyo anigu nafteyda ha moodin inuu damac ku jiro oo aan wax doonayey lakiin 3 wiil oo dhamaan reer Berbera wada garanayaan haldoornimadoodana cid diidi kartaa aaney jirin Ayaan lee yahay maxaa loogu diidey waxay muteysteen? Ma dadkan la siiyey ayaa lacag bixiyey? Ma nin jecleysi ayaa lagu siiyey ma arima kale ayaa la isticmaalay?
    Inta aanan magacyada hal-doorka dhabta ah ee la ilaawey ama la il duufey kuu sheegin moogaga aan kugu jalbeebiyo astaamahooda waa sadex wiil oo dhalinyaro ah dhamaantoodna waa isku shaqo waa nimanka xaaalad kasta oo gobolka saaxil uu ku sugan yahay kuu soo gudbiya waa ninamka habeenkii inagoo guryaheena fadhina warka gobolka iyo waxkasta oo uu ku sugan TV inoogu soo gubiya inta dhalintayarna social media kala socodsiiya waa nimanka codka saafiga ah ee ilaahay hibada u siiyey inaga haqabtira wixii war iyo waayo ah waa nimanka soo duuba muuqaalada dhabta ah ee gobolku ku sugan yahay ha nixin ilaahay isha cadowga haka qariyee waa
    1. Haldoor; Mukhtaar Abdirahmaan Xariir
    2. Haldoor; Mubaarig Cismaan Nirig
    3. Haldoor; Maxamed Cabdilaahi (soo fadhiiste)
    Haddaba sadexdaa haldoor ee aan magacyadooda kor ku soo xusey waa kuma ninka odhanaya haldoor maaha walaahi bilaahi saahidow hadal garey gobi ku haasowdaaye iyagaa haldoorka ah bal maxaad adigu maxaad haldoor ku noqotey kuwani waa kuwa baahida bulshada inoo sheega waa kuwa waxtarka dowlada iyo waxtar la,aanteeda inoo sheega qiimee maxay inaga mudan yihiin.
    Aniga oo ah Eng: Habane sadexdaa haldoor waxaan leeyahay ilaahay ayaa idinka dhigey haldoor waxbana idinku soo kordhin meyso waraaq la idin gudoonsiiyaa kuwa la gudoonsiiyeyna waxba ku kordhin meyso waxan idin lee yahay dadaalkiina sii wada waad guuleysateen ilaahay ayaa sharaf iyo karaamo idin siiyey
    Kuwa wax qiimeeyeyna waxaan leeyahay HUBSIIMO HAL BAA LA SIISTA   Qalinkii E

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here