“HADDII UU FAYSAL XISBIGA UCID SIDAN KA DAYN WAAYO, WAXAAN BALAN KU QAADAYAA IN AAN XOOJIYO XISBIGA WADDAN”MUJAAHID CALI GURAY

0
22
Hargeisa (SAXILNEWS)_Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Yusuf (Cali Guray) oo ayaa ka haddlay khilaafka ka dhex alloosan xisbiga uu ka tirsan yahay ee UCID, waxaanu eede khilaafka UCID dusha ka saaray Guddoomiye Faysal Cali Waraabe,isla markaana wuxuu Cali Guray Calaamad Saaray ka sii mid ahaanshiyiisa Xisbiga UCID, isagoo sidaasi ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu siiyey Tv-ga Star, waxaanu haddalkiisa ku bilaabay Sidan
‘’Waxaad moodaa in waxa qudhaata ee cusubi yahay sida aan horena u sheegay in dhamaadka khilaafka kulmiye uu noqon doono bilawga khilaafka UCID taas marka aan si sarbeeba u sheego aan odhan karaayo jinkii kulmiye galay ayaa UCID na galay anaguna aan ka cuudino ayaanu ku tala jirnaa waayo laba mid uun bay noqonaysaa ama in aanu xisbiga mucaaridka ah ee ugu adag ee hogaamiya ee mustaqbalka dalkan ka taliya noqono ama in uu xoogaysto xisbiga kale ee mucaaridka ah ee WADDANI oo uu noqdo xisbiga mustaqbalka ee wixii mucaaridi ay isugu wada tagi doonaan hadii aan sidan uu gudoomiyaha xisbigu hada wax u uwado laga badaliwaayo wanaanu is arkaynaa talooyinkaygana waan siinaya’”Ayuu yidhi Cali Guray
Cali Guray oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in khilaafka xisbiga UCID ay hurinayso xukuumadda Siilaanyo‘’Maah-maah ayaa tidhaahda nijaarka xumi qalabka uu ku shaqeeyo ayuu canaantaa,miishaartaa iga xun faaradaa waxba goynayn , hada isagaan waxba garanayn taa waxaan uga jeedaa khilaafka marka aynu inagu is qabano markaaba cid ayaa laasha oo jabuuti dhakada ka saarta anaga khilaafkayaga UCID jabuuti shaqo kuma leh anaguu naga dhaxeeyaa dawadiisana anagaa haysana cid aanu u nisbaynaynaana ma jirto dadkuna cida ay taageerayaan xaq ayay u leeyihiin cida kulmiye taageerta iyo kuwa xisbiyada kale taageera midna ma hayno laakiin wixii dalka ka baxsan ee dibada ah anagu xukuumad ma nihin xukuumadaana noo ah xukuumad oo guud ahaan wixii faragalina ah ku shaqo leh aan anagu qabnaa in ay iyada tahay oo ay xukuumadu fara galin ku hayso khilaafkan UCID oo ay qayb ka tahay ‘’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here