Saxilnews.com
Haayada Caalamiga ah Ee ILO Ayaa Berbera Ka Hirgelisay Mashruuc Shaqo Abuur Ah Iyo Wado Ay Xooluhu Maraan ‘Berbera
August 4, 2016 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Agaasimaha Guud wasaarada Arimaha gudaha somaliland Maamulka gobolka iyo degmada berbera iyo madaxda kasocotay haayada Ilo ayaa manta xadhiga ka jaray wado cusub oo loogu tallo galay inay xooluhu maraan taasi oowax wayn ka tari doonta habsi udhoofida xoolaha nool iyadoo ay sidoo kale ka shaqaynayeen dhalinyaro aad utiro badan oo aan shaqo hore haynin taasi oo ay shaqo abuur ka heleen in ka badan ilaa 200 shaqaale ah

munaasibadan xadhig ka jarista waxaa hadal kasoo jeediyey madaxda haayada ilo ee hirgelinaysay mashruucaasi Gaar ahaan Cabdi Xamiid Cumar Xasan oo kasocday haayadaaasi waxaanu sheegay inuu mashruucani yahay mid najaxay isla markaana ka hirgalay magaalo xeebeda berbera iyo meelo kale oo lagu tijaabiyey waxa kale oo uu sheegay inay mashruucan dhismaha wadada ay kafaaideen in kabadan ilaa labo boqol oo dhalinyaro bilaa shaqo ahayd

waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Cidin Iyo Gudoomiyaha gobolka Saaxil Jamac Yusuf Axmed iyagoo labadooduba si wayn uga mahadnaqay hirgelinta mashruucan sheegayna inay ilaashan doonan iyagoo intaasi ku daray inay soo dhawaynayaa haayadan ilo oo wax badan ka qabtay magaalada Berbera waxayna balanqaadeen inay ka qayb qaadan doonan mashaariicda horumarineed ee dalka kasocda

waxaa kale oo iyagun halkaasi ka hadlay maamulka xaafada Burco-Sheekh ee magaalada Berbera oo dhankooda sheegay inay wada la,aanta xooluhu ay dhib wayn ku haysay balse ay wax wayn ka taridoonta wadadan cusubi

Agaasimaha Guud Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cabdifataax ayaa sheegay inay wasaarada ahaana wado shaqayn fiican ay leeyihiin haayada Caalamiga ah Ee ILO waxanu xusay inay daryeeli doonaan mashriicdan faraha badan ee ay haayada ilo hirgelisay

Mashruucan ayaa ka qayb ka ah kuwo ay haayada ILO kawado somalinad iyo Putlan isla markna lagu horimariyo qaybaha bulshada gaar ahaana dhinaca shaqo abuurka oo ay barbar socdaan branaamijyo horumarineed

Berbera -Somaliland

 

COMMENTS
Latest News