Berbera (Saxilnews)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku sugan xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, ayaa shir ballaadhan wuxuu Huteelka City Plaza kula yeeshay wax garad ka soo jeeda Bariga Burco.
Lama oga dulucda uu daarnaa kulanks Guddoomiye Cirro la qaatay odayaasha iyo wax garadka Degaankaas, balse sida warar ku dhaw dhaw ay u xaqiijiyeen Wargayska Somalilandtoday, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI wuxuu u bandhigay dalabkiisa uu martida ugu yahay inay codka siiyaan isagoo ku hoga tusaaleeyay in aanay cidina ka xigin codka degaanka Bariga Burco maadaama oo aanu sharaxnayn Madaxweyne Silaanyo.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa socdaal ku maray degaano badan oo ay Beesha Bariga Burco degto, kuwaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
SAXILNEWS.COM