Saxilnews.com
GUDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI EE ALBERTA CANADA OO MAGACAABAY GUDOOMIYE IYO KU XIGEENKIISII.
January 29, 2015 - Written by admin

(SAXILNEWS) Gudoomiayaha Xisbiga Waddani ee gobolka Alberta Canada Abdikarim Bakal   ayaa magacaabay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen .

Waxaanu gudoomiyuhu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu shabakada wararka ee Hadhwanaagnews ay heshay nuqul kamida, waxaanu qoraalkaasi oo dhamaystiran uu dhignaa sidan:-

Anigoo ah Abdikarim Bakal Guddomiyaha xisbiga waddani ee  Gobolka Alberta Canada.

Waxaan caawa Jan 27,2015 ku ansixiyay xafiiska Xisbiga Waddani ee Alberta Guddomiye Cusub iyo kuxigeenkiisii oo aan u ansixiyay magaalada (Brooks Alberta) kaasoon u magacaabay xilka Guddomiyaha Md.Cabdi Axmed Farax inuu noqdo Guddomiyaha laanta Brooks ee Alberta Canada iyo Md. yaasin Roble Cige Guddomiye kuxigeenka laantaas Brooks  kadib markii aan

ogaaday labadaba kartidooda iyo xogogaalnimadooda

xagga dalka iyo debedaba waxaan ansixiyay hogaankooda iyo inay kasoo bixi karaan hawlaha u yaala xisbiga Waddani ee jamhuuriyadda Somaliland.

Magaca Goddomiyaha Cusub. Cabdi Axmed Farax

204 8876242

abdiwadani@hotmail.com

Guddomiye kuxigeen xisbiga waddani laantiisa Brooks ee Gobolka Alberta Canada Md.Yasin Roble Cige

Wabilaahi Tawfiiq

 

 

COMMENTS
Latest News