Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Ma Waxa Uu Ushaqeeya Qaranka Mise Dad Gaar Ah By Garyaqaan Cismaan Bulaale

0
15

Berbera (Saxilnews.com)Waxaan ka hadli doonaa muqaalkangay oo aan jawaabo uga dhigayaa hadalo kasoo yeedhay gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland

 

Waxaanu aad ulayaabnay shirka jaraaid ee uu tiifiyada kasii daayey oo aan macno badan xabaarsanayn sababatoo ah waxaa usheegay Inay Dekedu wax kordhisay Horta yaa Deked wax kalasoo Degga Waa Ganasato

Waxaa La Kordhiyey Waxay Wax Utarayaan Balaadhinta Dekeda Berbera Oo Ganacsatadu helaan adeeg hufan iyo meelo loo dhigo badeecahahooda Wakhti Kat Looguna Adeego

 

Gudoomiye adiga waxaa kula haboonay inaad Ganacstada ku Baraarujiso ka qaybqayb Qaadashada balaadhinta iyo horumarka dekeda berbera ma ahayn inaad hor kacdo ganacstada oo aad ka Shaqayso Kicinta Iyo Hor Istaagid Hawlaha Qaranka Iyo Adeega Ay Bulshada Dekedu Hayso

Adigoo aan Xogogo Gal Uhaayn Hawlaha Iyo Hormarka ay Wadaan Maamulka Dekedu

Balse Shaqadaadu Waxay Ahayd Isku Xidhka Ganacsi Ee Delkeena Iyo Dawladaha Jaarka Taasina Waxaa Muuqta Inaad Gabtay Ama Aad Ku Fashilantay

Waxa Kale Oo Ahayd Inaad Isku Xidho Ganacsatada Iyo Dekeda Marka Laga Hadlaayo Balaadhinta Dekeda Berbera

Waxay Kaloo Ahayd Inaad Ka Hadasho Sixiru Bararka Dalka Afaayey Wadanka Maadama Aaad Tahay Masuulka Matala Xafiiska Guud Ee Ganacsi

Iyo Sidoo Kale Kala Xadanta Ganasiga Somaliland

 

Hadii Aan Tusaale Usoo Qaato Waxa La Kordhiyey Waxay La Qiimo Tahay Xabad Yar Oo Mayosaxo Ah Oo Aaad Taqaano Waxay Suuqa Ka Joogto

Isla Markana Waxaan Aaminsanahay Inaad Ushaqaynayso Meelo Kale Oo An La Garanayn Sababtoo Ah Hadii Aad Daacad Ushaqaynayso Ama Muwaadinimo Kugu Joro Ganacsadata Waxaad Ku Boorin Lahayd In Qadarkaa Yar Ee La Kordhiyey Kaga Qayb Qaatan Horumarka Iyo Mushahar Kordhinta Shaqaalaha Balse May Ahayn Inaad Olole Ka Daydo Danaha Qaranka

 

Kusigan Aad Hada Fadhido Ama Shaqadan Aad Hada Hayso Waxaa Kaga Horeeyey Alle Ha Unaxariistee C/raxmaan Faarax Sugaal Oo Ahaa Wadani Ildheer Oo Dadka Isku Xidhi Jiray Kana War Hayey Hawlaha Qaranka Hadba Halka Ay Marayaan .

 

Arinkaagu Waxaa Uu Noqday (Meel Aar Ka Kacay Atoor Fadh Fadhiisay ) Hadii Aan Si Kale Udhigana Waa Nin Maqan Tawdii Waa Nin Jooga Ceebtii

Guntii Iyo Gababadii Waxaa Kusoo Jeedin Lahaa Horta Qiimee Shaqada Aad Wadanka U hayso Kuna Fakar Horumarka Ganacsi Ee Wadan Sidoo Kale Ildheer Uyeelo Haayadaha Aad Wada Shaqaynta Leedihiin

Gudoomiye Waxa Kale Oo Aan Ku Odhan Lahaa Dhex Ka Noqo Arimaha Ganasi Ee Dekeda Iyo Muwaadininta Wax Kala Soo Daga Hana Noqon Masuul Ku shaqeeya Fikir Qof Caadifadaysan Amase Ganacsade Muraad Foq Leh

Waxaan Ugu Danabayn Usoo Jeedinayaa Xukuumada Iyo Haayadaha Sharcigu Inay Hoos U Eegaan Qodoba Sharci Ee Ka Hor Imanaya kicinta Ama Abaabulka Ganacsatada Dalka Iyo Sidoo Kale Talaabooyinka Sharci ee Uu Jabiyey Gudoomiyaha Rugta Ganacsigua Somaliland Taasi Oo Meel Kaga Dhac Iyo Cawaaqib Xumo Ku Noqonaysa Socodsiinta Hawlaha Ganacsiga Dekeda Berbera

Waa In La Waydiiyaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Cashuuraha Uu Waaqiy Kadib Markii Uu Falal Ka Dhan Ah Ku Kacay Wada Shaqaynta Dekeda Iyo Muwaadiniinta Wax Kal Soo Dega Ama Ka Dhoofiya

 

Lasoco Qaybaha Danbe Iyo Arimo Kusaabsan Shaqada Dhabta Ah Ee Hayo Gudoomiyaha Rugta Ganasigu

Garyaqaan Cismaan Bulaale

gurad123@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here