Saxilnews.com
GUDOOMIYAHA ITAXAANAADKA QARANKA OO SHAACIYAY IN MAALINTA BERIYA LA QABANAYO SHAHAADOOYINKII DUGSIGA SARE EE LAGA DOONAAYAY MUSHARIXIINTA GOLAYAASHA WAKIILADA IYO DEEGAANKA DEGMOOYINKA B-C
February 22, 2021 - Written by editor
Hargeysa(saxilnews.com)-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shaaciyey in maalinta berri ah ee 23-ka bisha Febuary la bilaabayo qabashada shahaadooyinka iyo macluumadka dhinaca aqoonta ee looga baahan yahay Murrashaxiinta Golaha Wakiillada ee laga doonayo Shahaadada Dugsiga sare iyo weliba murrashaxiinta Degmooyinka B iyo C ah.
Daa’uud Axmed Faarax, oo shir jaraa’id ku qabtay, isaga oo ay weheliyaan Xubnaha Komishanka Tacliinta sare, ayaa sheegay in ay murrashaxiinta Golaha Wakiillada iyo kuwa degmooyinka B iyo C ah, ee shahaadooyinka laga doonayaa yihiin dugsiga sare in ay yimaadan Xafiiska Imtixaanaadka, si loo hubiyo shahaadooyinkooda.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku, wuxuu u digay murrashaxiinta isku daya in ay shahaadooyin Been abuur ah la yimaadaan Xafiiska Imtixaanaadka, isaga oo sheegay in aanay soo lugo’in murrashaxiinta aan haysan shahaadooyin sax ahi.

COMMENTS
Latest News