Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Safar Uu Dalka Dibadiisa Ugu Maqnaa Kadib Dalka Dib Ugu Soo Laabtay+Sawiro

0
23

Berbera (Saxilnews.com)-Gudoomiyaha gobolka togdheer mudane Maxamed Ibraahin Qabbo oo in muddo ah safar dalka dibadiisa ugu  maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaana gudoomiyaha lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa.

Gudoomiye Qabbo ayaa waxa uu ka warbixiyay ujedada safar uu ku tagay wadamada yurub sidoo kalena waxa uu aad ugu mahadnaqay jahliyada reer somaliland ee ku dhaqan Uk Waxaana uu yidhi.

“Waxaan dalka dibadiisa ku tagay booqasho yar oo gaaban oo ii gaara, bulshada dagan Uk haday tahay madaxda, safiirka ingiriiska u fadhiya somaliland,madaxda xisbiyada qaranka haday tahay Kulmiye, Ucid Iyo Wadani waxan uga mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee ay iigu soo dhaweeyeen, waxaan ka qayb galay shirkii lixaad ee xisbiga kulmiye oo magaalada Bristol ka dhacay oo guddi laba sanadood ah lagu doortay”

Sidoo kalena gudoomiye Qabbo waxa uu sheegay inay abaar baahsani ka jirto deegano badan oo hoos yimaada gobolka togdheer waxaana uu yidhi

“Abaar baahsan ayaa jirta gobolkii aan waliba gudoomiyaha ka ahaa qaylo dhaan ayaa isaga laftiisa kasoo baxaysa bi ka horna waxaan caawimo gar gar ah siinay gobolka gabiley, illaahay waxaan ka baryaynaa in alle raxmad khayr qabta ina siiyo oo inaga qaado abaaraha jira”

Dhanka kalena waxa uu gudoomiye Qabbo fariin hambalyo ah u diray gobolada togdheer iyo awdal sida fiican ee ay uga qayb qaateen diiwaanglintii codbixiyayaasha isaga oo reer saaxilna ku booriyay inay ka qayb qaataan diiwaangalinta oo ay qaataan kaadhadhka codaynta waxaana uu yidhi.

“waxaan ku boorinayaa gobolkaygii uguna hambalyaynayaa sida wanaagsan ee ay diiwaangalinta uga qayb galeen, gobolada hada ay ka bilaabmayso ee Saaxil, Hawd iyo Gabileyna waxaan leeyahay waxa laydinka fadhiyaa sidi quruxda badnayd ee ay ka yeeleen labadii gobo lee horeba inaad ka yeeshaan oo aad ka wada qayb qaadataan”Sidaas ayuu kusoo koobay hadalkiisa Gudoomiye Qabbo.

WWW.SAXILNEWS.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here