Waxanaa kulan maanta dhex maray labada dhinac oo socday muddo kooban ay labada dhinacba iskula gorfeeyeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen horumarka gobolka togdheer iyo waliba sidii ay warbaahintu qaybtooda uga qaadan lahayd una soo bandhigi lahayd iyagoo mid ah horumarka gobolka ka socda.
Sidoo kalena warbaahinta ayaa dhinacooda iyaguna badhasaabka gobolka u bandhigay in badhasaabku si cadaalad ah oo dhex ah ula wada shaqeeyo warbaahinta iyaga oo xubno warbaahinta kamid ahni badhasaabka usoo jeediyeen in ay jiraan warar sheegaya in badhasaabku wada shaqayn hoose la leeyahay qaar kamida warbaahinta balse taas badalkeeda badhasaabka gobolka togdheer ayaa ka jawaabay isaga oona sheegay in wada shaqayn fiican la leeyahay warbaahinta gobolka aanayna jirin shaqsiyaad uu wada shaqayn hoose la leeyahay.
Labadan dhinac ayaa kulankoodu kusoo dhamaaday is-afgarad iyo in dhinac looga soo wada jeesto ka qayb qaadashada horumarka ka hana qaaday gobolka togdheer.