Saxilnews.com
GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI OO CIIDAMADA QARANKA KU HAMBALYEEYEY XUSKA SANAD-GUURADOODII 24AAD
February 3, 2018 - Written by editor

Hargeysa:-(saxilnews.com) Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa uu dhambaal hambalyo ah uu u dirayaa ciidamada qaranka Somaliland, Sarakiisha, Saraakiil ku xigeenada, Gaashaanleyaasha illaa dableyaasha isaga oo ugu hambalyeynaaya xuska sanad guurada 24aad ee ka so wareegtay markii la aas-aasay ciidanka qaranka Somaliland oo ku began maanta oo taariikhdu tahay 02/February/2018ka. 


Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa sida oo kale uu hambalyo taas la mid ah uu u dirayaa dhammaan ba qoysaska iyo xaasaska ciidanka qaranka Somaliland meel kasta oo ay joogaan ba, isaga oo ciidanka qaranka ku sifeeyey in ay yihin naftood hureyaal dhib iyo duruuf ba u xamilay siddii ay u ilaalin lahaayeen haybadda iyo difaacidda qarankooda Somaliland.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii uu u rajeeyey ciidamada qaranka iyo qoysaskooda ba in ay sanadka sanadkiisaas ay ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo, halkaas na ay ka sii wadan dedaalka iyo kartida ay qarankooda ugu adeegayaan.

Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
Latest News