Saxilnews.com
Guddoomiyaha Diiwaanka Sakadda Somaliland Oo Bilaabay Qorshe Lid Ku Ah Dhaqanka Suuban Ee Diinta Islaamka Iyo Dareen-no Kala Duwan Oo Laga Bixiyay
February 2, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):-  Guddoomiyaha Diiwaanka Sakadda Somaliland Sheikh Siciid Maxamed Ayaa Bilaabay Qorshe Ku Lidi Ah Diinta Islaamka Iyo Dhaqanka Suuban,

Masuulkan Ayaa Ganacsatadda Iyo Dadka Wax Haysta Inta Uu U Tago Ka Dalbada In Ay Lacagta Sakadda Iyo Aduun Kale Loogu Deeqo Isagoo Ku Maxaabsanaya Magaca Dadka Jilicsan Iyo Dadka Abaartu Saamaysay.

Ganacsatadda Ayaa Waxaa Uu Ka Qaadaa Lacago Kala Duwan Halka Marar Badana Maalinta Jimcaha Uu Masaajika Uu Khudbadda Ka Akhriyo Ka Codsado In  Dadka Wax  Haysa Ee  Ku Tukanayaa Ay Lacago Iska Bixiyaan.

Maalkan Ayaanu Gaadhsiin Dadka Tabaalaysan Ee Danyarta Ah Iyo Kuwa Abaaruhu Sameeyeen.

Waxaana Qaylo-Dhaan Ka Sameeyay Shacabka Uu Magaceeda Ku Maxaabsanayo,

Waxaanay Ugu Baaqeen Madaxwaynaha Somaliland In Uu Hoos U Eego Talaabaddan Iyo Nidaamkan Cusub Ee Diin Ku Gabashadda  Ah Ee Uu Ku Dhaqaaqay Masuulkani

Geesta Kale Ayaa Waxaa Isna Cabasho Laga Muujiyay Nin Gacan-Yare U Ah Guddoomiyahan Oo La Yidhaahdo Cabdiqaadir Waddani Kaas Oo Ganacsatadda Marka Hore U Taga Una Sheega In Xafiiska Sakaddu Lacag U Baahan Yahay Sheekhuna Xishoonayo.

Sheikh Siciid Maxamed Guddoomiyaha Diiwaanka Sakadda Somaliland Ayaa Imika La  Socda Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Qorshanta Qaranka Oo Ku Sugan Waddanka Kuwayt Halkaa Oo Uu U Doontay Waftigan Ku Qasbay In Uu Raaco Si Uu U Soo Qaaddo Lacago Uu Doonayo In Uu Ku Soo Urursaddo Dadka Abaaruhu Naafeeyeen Lacago  Sooryo  Ah.

Ma Aha Markii Ugu Horaysay Ee Cabasho Noocan Oo  Kale Ah Laga Muujiyo Masuulkan,

Mana Jirto Wax Talaabo Muuqda Ah Oo Xukumadda Somaliland Ka Qaadan Oo Ku Saabsan Arrinka Iyo Nidaankan Sheekhan Huwan Magaca Diiwanka Sakadda Uu Ku Ganacsanayo Xilli Lagu Jiro Xaaladd Adag Oo Abaar Iyo Sixir Barar Ah,

Waxaana Laga Dhur-Sugayaa Ficilka Ay Madaxtooyadda Dalkani Ka Qaaddo.

Source Hangoolnews

COMMENTS
Latest News