Saxilnews.com
Gorfeyntii Gef Qoraal Soomaaliga Xukuumadda Iyo Gardaradii Ciwaankayga!
February 12, 2015 - Written by admin

abintii ciwaankayga…… Libaax nin ganay iyo nin galada kala og, meesha la iga raacay waxa ay ahayd gorfeyntii qoraallada Masuul Xirsi iyo Masuul Dhuxul,

Araar

 Uma holan umana hinqan inaan xukuumadda goortan talada dalka gacanta ku haysa dacaayadeeyo, mucaarid ma ihi, xildoonna haba sheegin, waxaan ahay qoraa socod baradda oo reer Soomaalilaand ah, qof isku diray inuu saxo gefef qoraalleedka yar yar ee afka,        una madax-bannaan fikirkiisa inuu cabiro, goor kasta iyo goob kasta, kana fal-celiyo dhacdooyinka maalin laha ah ee dalka ka dhaca. waxaan isku hawlay in sida ugu haboon  masuuliyiintu wax u qoraan, gaar ahaanna qorista Far-soomaaliga, sidaa darteed waxaan raad goob ku sameeyay qoraallada ka soo baxa xafiisyada ugu waaweyn

dalka, Idaacaddaha waaweyn ee BBC Somali iyo meelaha kale ee  mihiimka aan u arko.

Qoraalladdan markaad akhrido waxaad is odhanaysaa (malaha arday dugsiga hoose dhigta ayaa qoray) si kasta oo aan ku helo, goortuu qoraalka masuulku i soo gaadho, waxaan ku sameeyaa astaan guduudan, gefefka higgaadda ah ee uu masuulku qoraalka dhexdiisa galay, waxaan iyana dhowaan bilaabay inaan astaan jaalo ah ku sameeyo, gefefka dhinaca erayda qalaad ee uu masuulku ama qoruhu adeegsaday ee Af-soomaaligooda la heli karo. gefefka dhinaca (Astaamaha Haddalka kala qala), waxaan dhex galiyaa qows tusaale (.) dhinaca gefefka(kal dhaca haddalka) meeriska oo dhan ayaan casaan mariyaa,

waxaan dareemay in xukuumaddu dhibsatay gaar ahaanna masuuliyiinta inta badan wax qora, bilowgii dagaalkan qabow waxaa na dhex maray, tilifoonno hanjabaad u badan, inkastoo tilifoonnadu ahaayeen “Garan waa ama unknown “,  hasayeeshee waxaa jira hal qof oo codkiisa iyo lambarkiisaba aanan cid kale ku khaldayn, (Nin weyn iyo ummuliso midna siday wax arkaan uma sheegaan)

Qoraalkii ugu danbeeyay ee aan gorfeeyo, wuxuu ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka madaxtoonyada, wuxuu ahaa wareegto, xilka qaadis iyo magaacibid is kugu jirtay, asalka warqaddan waxaa ku sexeex naa Af-hayeen dhuxul, qoraalkan waxaan ka soo saaray 63 gef qoraal, intaa wixii ka danbeeyay, ciwaankaygii ayaa la jabsaday, jabsigan oo salka ku haya sidaan u arkay in la kala ogaado in cid kale iga kaalmayso qormooyinkan iyo in ay yihiin wax igu keli ah.

Todaba sanno ayaan adeegsanayay ciwaankaygaa, waxaa iigu jiray wax badan oo mihiima, waxaa iigu jiray ciwaannada dhammaan xidhiidhada aan dad ka la leeyahay, hasayeeshee waxaasiba waxa ay raaceen saxar qaadda, inkastoo ay khasaare weyn tahay kama xumi,

Maalin ka dib (Fool Dawaaddeedkayga ama facebook) ayaa iga diiday inaan ummadda la hadlo oo aan wax soo galiyo, dhambaalka uu ii soo dhigayaana wuxuu ahaa inaan si xun u adeegsaday hab ka wax gudbinta, 28 saacaddood ayaan waxba gudbin kari la’aa, ka dib na tilifoonkayga gacantu wuxuu ii sheegay in seddex goor la isku dayay in ciwaankayga la jabiyo, markaan goobta isku daygu ka socdo sii baadhayna waxa ay noqotay Hargaysa, si kastaba ha ahaatee ciwaankii oo dhan ayaan gali kari waayay, markaan magacayga iyo lambarka sirta ah ku qoro wuxuu ii soo dhigayay farriin odhanaysa, Malware, soo daji si aad gudaha ugu sii gudubto.

Seddex maalmood iyo seddex habeen ayuu ciwaankaygu iga maqnaa, waxaan isugu yeedhay dhallinyarta wax qorta intii aan iska heli karaynay, oo qiyaastii 16 nin ahaa, dhacdadii ayaan uga sheekeeyay, waxaan isla qaadanay in ay baahiyaan in ciwaankaygii la jabsaday oo aanan gacanta ku hayn, sidaa darteed wixii lagu soo qoro aanan masuul ka ahayn.

Si wanaagsan ayay farriintaasi ugu gudubtay indhaha akhristayaasha qiimaha badan meel kasta oo ay adduunka kaga sugan yihiin. Shalay galin horre ayuu nin dhallinyara oo magaciisu yahay Khaalid Maxamed Cabdi, ku guulaystay inuu sii jabiyo ciwaankii sidaa darteed ayuu gacantayda goortan ugu jiraa,mahad iyo sharaf badani ha gaadho ilaahay, gaar ahaanna khaalid baan abaal weyn ugu hayaa hawshaa,  ammaanka ciwaankana intii horre waan ka sii adkeeyay, akhristaayashadii loo sheegay in aanan ciwaankaygii iyo facebook’gaygii aanan mid na gacanta ku hayn waxaan ku war galinayaa inaan imika aan dib u helay.

Gofeynta

dhinacaan ka taaganahay waa guul iyo gobonimo goortu keentay in soomaali soo gaadho meel ay is gorfayso haddaan si kale u dhigo qalinka isku saxdo, waxba kuma jabna haddii masuulka la yidhaa halkaas ayaad gef ka gashay ee marka danbe iska sax, hadduu yahay qof caafimaad qaba, waa wax uu talo ahaan u qaadan karo, waxa haboon in qofku waxa lagu dhalliilayo intuu dib ugu noqdo wixii ka khaldan saxo, si albaabkaasi u xidhmo.            Markay dhacdo  in masuul qoraalkiisa la saxo, ama la tilmaamo, macnaheedu maaha qabiil baa lagu eryanayaa, qoraalkan la leeyahay sax, qabiil dhan iskugu ma tagin oo ma qorin ee qof baa qoray, waana masuul ummadda xil u haya, ruuxa doonaya inuu masuulkan difaaco, waxaa meesha taal inuu hubiyo in qoraalkan masuulku qoray, in inta gef ee lagu sheegay ku jiraan, haddii markaa ay u soo baxdo in gorfeeyuhu masuulka xag-xagtay oo waxan aanay waxba ka jirin, waxaa kuu bannaan inaad si cilmiyaysan u difaacdo masuulka .                     reer ka masuul qaran leh yaan waxba loo sheegin waxna laga sheegin, waxaan odhan lahaa intaad kaxaysaan Caaqil ama suldaan ka dhigta!.

Xukuumadda iyo afka

ilaalinta, kobcinta,hurumarinta iyo baylah-tirka  afka iyo dhaqanku waa mid ka mida masuuliyadaha ugu waaweyn ee xukuumaddi shacabkeeda u qabato. waan dareensanahay in xukuumaddani intaaba ka jarmaadday, laakiin kor iyo hoos ba waan ugu sheegaynaa in ay tahay masuuliyad ay ka xukuumaddu ka seexatay.

Xukuumad aan afkeeda dhaqan galin oo aan ku shaqayn magaceeda garan maayo,

xukuumad masuuliyiinteedii ugu sarsareeyay higgaadda Af-soomaaliga aanay saxaynin  haddalkeeda ba dhig.

Buuggii wax qabadka xukuumadda ayaa kun iyo kow gef ku jiraan, miisaaniyad sannaddeedkii 2015 ayaa gefef tiro beel ah ku jraan, wasaaraddii waxbarashada iyo tacliinta sare ee ahayd hay’addii ugu korraysay ee aqoonta iyo afka loo daba fadhiisanayay  ayaa buuggaagta ay soo saarto ee waliba midowga yurub ay la kaashato ee adduunka badan lagu bixiyo, waad ka argagaxaysaa waxa ay qorayaan iyo inta gef ku jirta, hadduu rabbi igu simo dhammaantood waan Hal-tabin doonaa ama waan soo min-guurin.

Masuulka qoraalkiisa la gorfeeyo:masuuliyiintu ma khaldana kursiga ayay ugu yimaadeen in gar iyo gardaro ba sacabka loo tumo, sidaa darteed ayay xaajo ugub ugu noqonaysaa, haddii la yidhaa halkaa waad khaladay, xukuumaddani waa ta aan ugu saaxiibada badanahay.                              waxaan sheeko igu ahayn oo aan u tagnaa, masuul intuu koox samaystay jaadka u qaada, oo ku leh suudhkayga ka warrama?!                                                                                                                Waa Turki miyaanu ka qurux badnayn kuwa wasiirada kale ee shiinaha ah?

Oo iyaguna leeyihiin waxaad tahay wasiirka ugu labiska qurxoon golaha wasiirada,             wasiir hebal ayaa kugu soo dhow oo isna imika waad dhaaftay,haddaanan anshaxa qoraalka ilaalinayn mudanahaa waan magac dhabi lahaa, si qaar badan oo akhristaasha ka middii u xaqiiqsadaan. Waa masiibo waxaanu garan in suudhka uu ku faanayo  yahay dhidid hooyo sabool ah oo loo baddalay dhar. Dhibka ugu weyna wuxuu iila muuqdaa, in masuuliyiin badan oo ummadda hogaamisaa ay (Maanka ka gaajaysan yihiin)

Kol haddaan garaad laga la hadhin,

Galabba sheeggeeda Inta maanku gaajeysan-yahay,

Guuli waa weliye.’hadraawi’

Bal ila daawada sawir gacmeed qorxoon oo uu Hal-abuurkii weynaa ‘AHN’ gaarriye ku muujinayay in ay gobonimo tahay in qofku dhalliishiisa qaato, oo uu garwaaqsado.

Haddaad ka garawdo khalad,

Gobbay tahay xaajideed,

Gef kana basher baad u tahay,

Masuul qof wax kasta qabta iyo qof wax kasta yaqaannaa ma jiraan’e, bal meerisyadan aan ka soo dheegtay gabaygaGudgude ee  Abwaan Hadraawi ila dhugo, gujo dhaadhigana ka daa murtida,

Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide,                                                   Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede,
Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye,
Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne,
Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo,
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban,
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero,                                                        Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
             Masuul waa murti haddii rabbi kugu anfaco,

 

Qalin maal cabdinaasir Axmed ibraahim

Inkastoo gorfeyn badan aan ku sameeyay qoraallo kala jaadda, taasi macnaheedu maaha inaan ahay xeel dheere dhinaca afka soomaaliga ah, qormo kasta oo aan qorayo dhexdeeda waxaan ku qirtaa in wax badan iga qabyo yihiin dhinaca qoraalka, dhinaca kale marka la iska taago taa macnaheedu maaha in aanan waxba sixi karin, gabi ahaanna waan ka soo horjeeda, falsafadda odhanaysa in qofku waxa uu qof kale ku dhalliilayo ka madhnaado, waa aragti salka ku haysa diin-laawnimo, qofku  wuxuu qofkan kale ku sheegayaa waa khalad uun, ina-aadanna khalad kama koro, gefna laga ma waayo, balse waxa kala duwan, mansabka qofka gefka galaya, nooca gefka, tirada gefefka,sida loo galayo, iyo saamaynta gefkaasi keenni karo.

Waxaan hogo-tus u soo qaadanayaa, is barbar dhigga khaladka aan anigu galo iyo khaladka uu Wasiir xukuumadda ka tirsan galo, wasiirka qoraalkiisa dhammaan sirdoonnada adduunka ayaa xogtaa raba inay helaan, safaaradaha iyo dugsiyada culuumta siyaasadda lagu baadho ayaa iyana raba in ay wax ka ogaadaa, halkaa waxaa inooga cad in dhawaaqaasi yahay mid meel dheer ku dhacaya, loona baahan yahay in laga baaraandago, gefka qoraalkaa dhexdiisa ka soo dhex baxaa waxaa laga yaabaa inuu saamayn ku yeesho jiritaanka iyo dawladnimada ummadda waayo waa hal beeg laga dhaqaaaqi karo aqoonta ummaddaa ku jirta.

Laaxinka  soo gala qoraalkaygu, wuxuu leeyahay mug ka yar kaa, sababtuna waa arrimo aan ku soo xusnay

 

COMMENTS
Latest News