Garabka La Wareegay Majaraha Siyaasadeed Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumadda SIILAANYO Oo Qasriga Kaga tashanaysa Liiska Cusub Ee Gollaha Wasiiradda oo caawa la filaayo in lagu dhawaaqo

0
16

Hargaysa (SAXILNEWS)_Qasriga looga taliyo Dalka ee Madaxtooyadda,ayaa la sheegayaa in ilaa xalay uu ahaa goob si weyn mashquul u ah,waxaana buux-dhaafiyay Salaadiin,Siyaasiyiin hore,kuwaas oo dhamaantood uu damac kaga jiro in lagu soo daro Liiska Gollaha Wasiiradda ee lagu bedelayo Xubnihii hore isu-casilay. Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Marwadda Madaxweynaha, Amb. Baashe Cawil,Wasiirka Duulista Iyo hawadda Iyo Xil. Cali-mareexaan,ayaa la sheegaayaa inay yihiin Madaxda Miiska fadhida ee loo dhiibanayo CV-yadda Xildoonka,waxaana la filayaa inay Xukuumadda ay kasoo dhex-muuqdaan Waji cusub iyo Siyaasiyiin hore,kuwaas oo Khilaafkii sannadkii hore ka dhex-aloosmay Madaxweyne Siilaanyo Gudoomiye Muuse Bixii uu galaaftay.Waxa kale oo filayaa in Isku-shaandhayn balaadhan lagu samaynayo Gollaha Wasiiradda,taas oo keenaysa in Wasiiro,Wasiir Ku-xigeen Iyo Agaasimayaal guud-ba ay waayi doonaan Xilalka,kuwaas oo loo arko inay la safnaayeen Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda MD. Xirsi Cali X. Xasan. Ilaa Caawa,ayaa filayaa inuu soo baxo Liiska Cusub ee Gollaha Wasiiradda.

 

 

saxilnews005@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here