FAYSAL CALI WARAABE OO KULAN QARSOODI AH LA YEESHAY BEESHIISA

0
12

Hargeysa (SAXILNEWS.COM)_Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddi Beeshiisa ah, ayaa kulan ku yeeshay magaaladda Hargeysa, kulankaas oo ay guddidani ka xogwaraysanaysay Guddoomiye Faysal khilaafka u dhexeeya isaga iyo Murashaxa Xisbigiisa Jamaal Cali Xuseen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaasi oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen oo aan warbaahinta loo ogolayn, ayaa Guddidan beesha Ciidagale oo la sheegay in ay isgu jiraan Madaxdhaqameed, Ganacsato iyo Aqoonyahan ay Guddoomiye Faysal kaga xog waraysteen khilaafka xoogan ee ka dhex qarxay isaga iyo Murashaxa Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

 

Kulankan oo shalay ka qabsoomay Huteelka Dalxiis ee magaaladda Hargeysa, ayaa la sheegay in Guddidan Beesha ay halkaas Faysal ku waydiiyeen su’aalo la xidhiidha cabasho ay u soo gudbiyeen Guddidan Guddi metelaysa Beesha Ciisa Muuse ee Murashax Jamaal ka soo jeedo.

Sida ay ilo wareedyo u dhuun daloola Guddidaasi u xaqiijiyeen warbaahinta  Guddidan Beesha Ciidagale ee ku guda jira xallinta khilaafka masuuliyiinta UCID ay Faysal cali Waraabe u soo bandhigeen in uu ka jawaabo Su’aalo la xidhiidha cabashada ay u soo gudbiyeen guddida dhinaca Jamaal, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu Faysal Cali Waraabe Jamaal ka qaaday murashaxnimadii Xisbiga UCID, isla markaana uu isgu yahay murashax u taagan madaxweynaha Xisbiga UCID ee doorashooyinka soo socda.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay Su’aalahaasi, ayaa la sheegay in uu u caddeeyey guddidan beeshiisa ah in aanuu isagu murashax ahayn, isla markaana aanu Jamaal Cali Xuseen ka qaadin

murashaxnimadiisii, waxaanuu sidoo kale u sheegay guddidan beeshiisa ah ee kulanka la yeelatay in aanu Guddoomiye Faysal kelidii ka qaadi Karin Jamaal Cali Xuseen Murashaxnimada Xisbiga, balse lagaga qaadi karo shirkii lagu doortay ee xisbiga oo kale.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sidoo kale la sheegay in uu guddidan beesha Ciidagale ee ka xog waraysanaysay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Jamaal u sheegay in uu markii hore isagu Jamaal xisbiga ugu yeedhay, ka dibna lagu ansixiyey oo lagu doortay shirweyne Xisbiga UCID, iyada oo aanay jirin war faah faahsan oo arrintaasi ka soo baxay, balse uu guddoomiye Faysal u caddeeyey guddidaasi in aanu Jamaal ku haysan murashaxnimada Xisbiga oo isaguna aanu murashax ahayn.

Guddidan beesha Ciidagale ee kulanka la yeeshayn Guddoomiye Faysal, ayaa la sheegay in ay sii wadi doonaan kulamadooda inta aanay isa soo hor fadhiisan guddida kale ee metelaysa beesha m urashax Jamaal Cali Xuseen, waxaanay wararku sheegayaan in ay kulamo kale la yeelan doonaan Xisbiga iyo beeshooda, ka dibna ay kulmi doonaan guddida beesha Ciisa Muuse ee murashax Jamaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here