Saxilnews.com
Faransiiska iyo Uruguay midkee badin doona?
July 6, 2018 - Written by editor

Kylian Mbappe oo Faransiiska u dheela iyo Luis Suarez oo u cayaara xulka Uruguay

Getty Images

Kylian Mbappe oo Faransiiska u dheela iyo Luis Suarez oo u cayaara xulka Uruguay

Cayaaryahanka dhanka weerarka uga cayaaro xulka Uruguay Edinson Cavani ayaa la filaya maanta in uusan kasoo muuqan cayaarta xulkiiisa ay la cayaari doonan Faransiiska maadama uu dhaawac yahay.

Cristhian Stuani ayaa noqon doona qofka lagu baddeli doona Cavani si uu caawiyo weeraryahanka xulka Uruguay Luis Suarez.

Tabbabaraha kooxda Faransiiska Didier Deschamps waa inuu go’aan ka gaaro cidda baddali lahayd Blaise Matuidi oo aanan cayaarta laga joojiyay inuu ka qayb qaato.

Faransiiska

Xulka qaranka Faransiiska ayaa dadaal ugu jiraa sidii uu u gaari lahaa cayaaraha rubac-dhammaadka markii afaraad tan iyo sannadkii 2006-dii.

Faransiiska ayaa afar jeer isku xigto gaaray ruba dhammaadka cayaaraha Koobka Adduunka.

Uruguay

Xulka Uruguay waa markii shannaad ay doonayaan inay ka qayb galaan cayaaraha rubac-dhammaadka ee Koobka Adduunka.

Xulalka Faransiiska iyo Uruguay ayaa maanta wada cayaaraya saacadda Afrikada bari marka ay tahay 5:00pm galabnimo

COMMENTS
Latest News