Fadeexado Ka Soo Baxaya Safarkii Boqorka Saudi Arabia, Uu Ku Tegay Dalka Faransiiska, Oo Lagaga Soo Yeeshay Lacag Deyn Ah Oo Dhan 3.7 Milyan .

0
16

Wakaaladaha Wararka-(Saxilnews.com)- Warbaahinta reer galbeedka ayaa si weyn wax iga qortay fadeexad weyn oo hadhaysay safar dalxiis iyo caafimaad isugu jiray oo uu Boqorka Dalka Boqortooyada Saudi Arabia, Salmaan Bin Cabdi Casiis ku tagay dalka Faransiiska, Kaddib markii lacag deyn ah oo malaaynniin ah lagaga soo yeeshay safarkiisaas. Boqorka dalka Saudi Arabia, oo safarkiisaasi qaatay Sidddeed Cisho, ayaa lagu soo waramayaa in uu dalka Faransiiska ka soo baxay iyada oo lagu leeyahay lacag dayn oo tiradeedu dhan tahay 3.7 Milyan oo euro ah, oo ahaa biilshii lacagtii ay ku yeesheen huteeladii uu deganaa iyo cusbataalkii lagu baadhay caafimaadkiisa. Boqorka ayaa la <!– google_ad_client = “ca-pub-4985570732131784”; /* Big Box */ google_ad_slot = “4058003914”; google_ad_width = 300; google_ad_height = 250; //–> sheegay in isaga oo aan bixin biilasha lacagtaa lagu yeeshay in uu si weyn uga cadhooday dad ku mudaharaaday intii uu joogay Faransiiska, waxaanu Boqorku ku canaantay dawlada Faransiiska sababta wax looga qaban waayay dadkaa. Illlaa hada ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay boqorka Saudi Arabia, oo ku saabsan fadeexadan sumcad dilka ku ah ee ku saabsan lacagta deynta ah ee biilasha ah ee lagaga soo yeeshay dalka Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here