Ergayga Soomaaliya u Qaabilsan Wadahadalada Somaliland oo la Kulmay Madaxweynaha Jabuuti

0
210

Jabuuti-(Dawan):- Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada hadalada Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa Axadii shalay la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland .

 

Safarka Guuleed ee Jabuuti ayaa qayb ka ah socdaal uu ku marayo gobolka si uu taageero siyaasadeed ugu helo wadahadallada.

 

“Waxaan ka dhigay waajibaadkeyga damiir inaan socdaalkayga gobolka ka bilaabo halkan Jabuuti,” Guuleed ayuu yidhi kulanka ka dib.

 

Guuleed ayaa sheegay in isaga iyo Geelle ay ka wadahadleen xaaladda guud ee gobolka iyo hababka wax ku oolka ah ee looga faa’ideysan karo wadahadallada.

 

“Fikradaha iyo talada laga helay Madaxweynaha Jabuuti waxay muujinayaan khibradda muhiimka ah ee uu u leeyahay fulinta hawlaha nabadda, is-afgaradka iyo dib-u-heshiisiinta,” Guuleed ayaa yidhi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here