Saxilnews.com
Egypt: Morsi oo dacwadiisa u gudbiyey Maxkamada sare ee Masar””’
August 17, 2015 - Written by admin
Masar (Saxilnews.com)..Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa dacwadiisa u gudbiyey Maxkamada sare ee dalka Masar, si loo joojiyo xukunkii dilka iyo xabsiga ahaa ee horey loogu xukumay.

Maxkamada dalka Masar ayaa bilihii May iyo June xukuno xabsi iyo dil ah ku riday Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo lagu eedeeyey danbiyo kala duwan oo ay ku jiraan inuu ka qeyb qaatay kooxo ka baxsaday xabsiga Masar sanadkii 2011 oo ay ku jiraan kooxda Xamaas iyo Xisbullah, waxaa sidoo kale hogaamiyihii hore lagu eedeeyey inuu amray dilka dadka ku mudaharaadayey intuu xilka hayey.

Waxaana todobaadyadii lasoo dhaafay laga cabsi qabay in la qisaaso Madaxweyne Morsi, kadib markii Muftiga dalkaasi Masar uu ogolaaday xukunka Maxkamada. Balse Beesha Caalamka ayaa si weyn u cambaareysay xukunka Maxamed Morsi.

Dacwada cusub ee Maxamed Morsi ayaa marka hore la rabaa in Garsoorayaasha Maxkamada sare ogolaadaan inay dhageystaan kahor intaan loo gudo gelin codsiga Morsi

maxamed xasan
www.saxilnews.com
saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News