Saxilnews.com
Duulimaadyada Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Oo La Hakiyey + Sababta 
February 7, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la hakiyeyduulimaadyadii iman lahaa ama ka tagi lahaa magaalada Muqdisho, maalinta Arbacada ah ee 8-da bisha Febraayo 2017-ka.

Sidoo kale wararka aanu ka helnay mas’uuliyinta garoonka ayaa sheegaya in duulimaadyada loo hakiyey doorashada ka dhacaysa gudaha garoonka maalinta Arbacada ah darteed.

Wasirika Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali oo ay Idaacada VOA u sheegay in la hakiyey duulaamaadyada “saacado kooban” maalinta arbacada ah.

 

Amniga ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey maalintaas, iyadoo waddooyinka la xidhay isla markaana la joojiyey socodka baabuurta aan wadanin fasaxa gaarka ah siiba kuwa amniga sugaya.

Doorashada madaxtinnimada ee dhacaysa maalintaas ayaa waxaa ka qayb galaya 23 musharrax waxaana u codayn doona 329-ka mudane ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka.

COMMENTS
Latest News