DUUFAAN KU DHUFATAY MARAYKANKA OO DISHAY DAD KA BADAN 20 QOF

0
19

USA(saxilnews.com)-Ugu yaraan 22 ruux oo qaar ka mid ah ay carruur yihiin ayaa dhintay ka dib markii ay duufaan xoog badan ku dhufatay deegaanka Lee County ee gobolka Alabama.

Jay Jones oo ka tirsan masuuliyiinta deegaankaas ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dhibaatadu ay intaas ka sii badankarto, gurmadkii degdegga ahaa ayaa la baajiyay tan iyo waabariga ka dib markii laga baqay halista ka dhalan karta in baadigoobka la sii wado iyadoo uu dhulku mugdi yahay.

Dhibaatadu waxay ka taagan tahay baaxadda burburka guryaha, ayuu u sheegay CNN.

Lama oga inta ruux ee halkaas ku dhaawacantay. Masuuliyiinta ayaana gooyay jidadkii galayay.

Waaxda qaran ee la socoshada cimilada ayaa sheegay in dabayshu ay saacaddii jaraysay ilaa 266km saacaddiiba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here