Saxilnews.com
DP WORLD BERBERA WAXAY GACAN KA GAYSANAYSAA HORUMARKA IYO WAAYO-ARAGNIMODA DA’YARTA MASKAXDA FURAN EE DEGMADA
May 7, 2021 - Written by Baas Rashiid

Berbera(Berberatoday.com)-Shirkadda DP World Berbera oo ah shirkad  hoostagta Shirkadda DP World ee saldhigeedu yahay Dubay ee ah shirkadda maanta hormoodka u ah isku xidhka iyo isku socodka aduunku, waxay 17kii bishan April ee Sannadkan si rasmi ah u daah furtey barnaamij magaciisu yahay Grow Program” kaasi oo ah mashruuc
loogu talo galay in u uganac ka gaysto hormurinta da’yarta ka sooq qalin jabisa jaamacadaha.

 

 

Shirkadda DP World Berbera iyadoo ka duulaysa ku talogalkeedii ahaa in ay aduun dhan 442 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah ku maalgaliso Dekedaha wadanka waxa ay dhawaan
qaadatay 14 ka mid ah da’yarta ka soo qalin jabiyay jaamacadaha Soomaliland ku waasi oo ay shirkaddu siin doonto tabobaro iyo waayo aragnimo xirdafedo shaqo.

Mashruuca Grow Program waxa uu qayb ka yahay ku talogalada Shirkadda DP World ay u
qorsehysay taageeridda iyo wax ka qabashada horumarka muwaadiniinta iyo bulshooyinka wadamada ay shirkaddu ka shaqayso ama hawlgasho.

Mashruucani waxa si gaar ah loogu qorsheeyay looguna talo galay in uu soo saaro dhalin yaro aqoon xirafadeed iyo waayo aragnimo shaqo u leh shaqooyinka farsamada ah sida hawlgainta ( operations), QHSSE,
Xisaabaadka, Ganacsiga iyo IT ga. MAshruucan oo hirgalintiisa ka bilaabmayso Beberea waxa
loogu talo galay oo si gaar ah uga faa’iidi doona da’da yarta jaamiciyiinta ah ee ka soo ka soo qalin jabiyay jaamacadaha farsamada injineernimada iyo u adeegista macaamiisha (customer Service) Sida ku qorshaha mashuruucani yahayna Da’yartaa jaamiciyiinta ah ee qaybta ka noqota barnaamishkan waxa loo diyaariyay oo la siin doonaa tabo-baro gaar ah, iyo in sidoo kale lagu tabo-baro shaqada oo la siiyo waayo argnimo shaqo; iyo waliba in la
dhiso loona diyaariyo in ay mustqabalka ku guulaystaan han-kooda shaqo. Taasina waxay DP World Berbera u suurto gelin doontaa in ay soo saarto da’yar aqoon yahanno iyo xirfedleyaal dhisan ah oo noqonodoona hogaamiyeyaasha mustqabalka hogaanka u qabta fulinta hawlaha kala duwan ee shirkada.

Kadib imtixaan adag oo isugu jiray af iyo qoraal ah oo ay mareen , 14 dhalinyaro jaamiciyiin
oo ka mid ah tartemeyaashii u soo tartamay ayaa ku guulaysatay fursadna u helay inay ka
faa’iideystaan mashruucan Grow Program, kuwaasi iyagu heli doona tabobaro dheeraad ah
iyo waayo aragnimo xirfado shaqo qaadan toonta muddo 2 sannadood ah

Supachai Wattanaveerachai, oo ah Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Berbera,
oo ka hadlanay munaasibadda waxa uu yidhi ”Waxaan ku farxsanahay in ay maanta noo suurto
gashay in aan fursadan muhiimka ah siinayno jaamiciyiinta da’da yar ee magaalada Berbera.
Markaad eego xaaladaha dhaqaale ee adag iyo mugdiyada ku gadaaman faafitaanka caabuqa
COVID 19, fursadan aan siinayno da’yartan jaamiciyiinta ahi waa mid ku haboon ahmiyadeeda
gaarka ahna leh. Qorshahani waxa uu qayb ka yahay meelmarinta balanqaadkii aan balan ku
qaadanay in aan gacan kagaysano qaybna ka qaadano horumarinta bulshada degaanka iyo
maalgashiga gobolka Geeska Afrika. Berbera Grow Prpgram waa mashruuc ujeedkiisu yahay in
uu jaamiciyiinta da’da yar ku hubeeyo xirfadaha aqooneed iyo waayo aragnimooyinka shaqo ee
ay ugu baahn yihiin inay u tartamaan kuna hantaan fursadaha shaqo, gaar ahaan shaqooyinka la
jaan qaadaya casriga iyo tiknoolajiyadda (innovation and digitalization).

Waxa kale oo uu intaa sii raaciayay oo oo yidhi” Waxa aan ku rajo weynahay in mashuurcayahaga
Berbera Grow program noo samixi doona in da’yar karti leh oo kale ku baraarijin kuna dhiiri galin
doona in ay raadsadaan kuna guulaysataan furadaha shqo ee DP World ,

Awal Cabdilahi Muxumed , oo ah tabobarte Shirkadda DP World Bebera u qaadatay in
loo tabo baro shaqada u adeegga macaamiisha ( customer Service Traine) , ayaa
isaguna yidhi : ”Waxaan u gudan doonaa waajibaad kayga si nay hawlkarnimo ku dheehan tahay
, waxaana iga go’an in aan wakhtigayga u huro si aan ugu guulaysto ujeedka aan ugu soo biiray
DP World Berbera”

Nadira Cabdi Daa’uud, oo ah tabobarte ay Shirkadda DP World Bebera u qaadatay in
loo tabo baro shaqada u adeegga macaamiisha ( Customer Service Trainee) oo goobta
ka hadlay waxa uu yidh : “ Fursad weyn aayay ii tahay in aan ku soo biiro Dp World Berbera,
Shirkadda Hormoodkmoodka u ah isku xidhka ganacsiga aduunka. Waxaa ku talo galkaygu yahay
in dadaalo si adagna u shaqeeyo si aan uga faa’iideysto mashruucan oo aan kor ugu qaado
xirfadehayga shaqo”

Abdiqani Maxammaed Dirir, Tabobarte Shirkadda DP World Berbera u qaadatay in lo
tabo baro shaqooyinka Farsamada (Makaani knimo), waa uu yidhi sidan: “Maadaama waato
aragnimo u leeyhay shaqada injineernimada, waxaan ahay qof dad lashaqayn fiin leh kuna shaqayn
kara xaalad kasta oo adag. Waxaan la muraaqoonayaa fursaddann dahabiga ah ee ay isiisya DP
World iyo dadaaka ay iiga baahan tahay ku guulaysashada fursadani”

Cabdiraxman Muxammed Cumar, Tabobarte Shirkadda DP World Berbera u qaadatay
in lo tabo baro shaqooyinka Farsamada (Makaani knimo), waxa uu yidhi: ”Maalinkasta
waxaan u shaqeeyaa si aan u horumariyo lnafteyda iyo xirfaddeynda , waana qayb ka mid ah
qaangaadhnimada iyo wanaagsananta waxa aan qabto. Waxaan rajaynayaa in aan aad u dadaalo
oo aan yool cad u jeexo naftayda si aan ugu guulaysto ujeedada aan ugu soo biiray Dp World
Berbera”

Cabdixakim Cabdale X. Muse, Tabobarte Shirkadda DP World Berbera u qaadatay in
loo tabo baro shaqooyinka Farsamada (Makaani knimo),oo isna hadlay waxa uu yidhi:
wzxaan ahay qof ku toosan, oo u jihaysta kaliya fulinta shaqda iyo gaadhista natiijooyin. Waxa
aan jeclahay in aan nafteda u tixgaliyo in aan ahay mashruuc koraya. Inta aan Joogo DP World
Berbera, waxaan fursad u heli doonaa in aan wax badan ka barto waayo aragnimo shaqona ka
helo shaqada aan ku tabobaranayo ,

Siciid Maxammed Yaasin, Tabobarte Shirkadda DP World Berbera u qaadatay in lo tabo
baro shaqooyinka Farsamada (Makaani knimo), ayaa isaguna yidhi:: “Shaqada adag ima
dhibto aniga. Sidaasi darteed, waxaa heegan u hay in aan galo shaqadan xirfadaydana kor u qaado
inta aan la joogo DP World

Maxammed Ibraahim Xuseen, Tabobarte Shirkadda DP World Berbera u qaadatay in lo
tabo baro shaqooyinka Farsamada (Makaani knimo), waxa uu yidhi: “Waxaan ahan nin
diyaarsan, horey wax u fahma, dad lashaqayn leh oo ku adag u hogaansannaanta habeegyada
habraacyada hawlfulinta iyo hageyaasha hay’adda. Waxaan doonayaan in aan Dp World uga
faa’iideeyo xirfadeyda, khibradeyda iyo aqoonteyda, si aan uga caawiyo shirkadda ka midho
dhalinta hiraaladeda iyo hiigsiyadeeda”.

Marka laga soo tago DP World Berbera, waaxda Cudduda shaqaalaha ee shirkadda ee Bariga
Dhexe iyo Afrika ayaa sidoo kale xoogga saareysa horumarinta tayada dhalinyarada gobolka,
waxayna iyadoo la kaashaynaysa Barnaamishka Grow Program ka fulisay meelo kale ee ay ka
shaqasyo sida Senegal, Mozambique , Somaliland, Angola, iyo Masar iyo kuwo kale.
Barnaamijkani waxa uu xambaarsan yahay fursada gaar u da’yarta jaamacadaha ka soo qalin
jabiya, rag iyo haweenba, ee ku hamiyaya in ay horumaraan iyo kartina u leh inay bartaan
kana qaybgalaan shaqooyinka kala duwan ee Shorkadaha DP Wrold ee Gobolada Bariga Dhexe
iyo Afrika. Codsiyadu waxay u furan yihiin dhalinyarada jaaamiciyiinta ah ee aan da’ahaan
kaweyneyn 30 jir kan soo baxay jaamacadaha farsamada (ee u haysta shahaadada mastarka).
Tani waxay qayb ka tahay ku talogalkayagii ku aaddanaa is dhex-dexgalka ( diversity and
inclusion), waxaanan si xoog leh ugu dhiirrigelinnaa haweenka inay soo codsadaaan
Grow  –DHammaad

COMMENTS
Latest News