Dowladda Burkina Faso oo la “afgembiyay”

0
14
Ilaalada ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha weli ku haya madaxtooyada

Burkina (Saxilnews)-Dowladda ku meelgaarka ee dalka Burkina ayaa ilaalada madaxtooyada ay kala direen.

Xubin ka mid ah ciidamadaasi ayaa ka muuqday TV-ga dowladda ee dalkaasi wuxuuna ku dhawaaqay in dowladda ku meelgaarka ahayd lakala diray.

Waa hadalkii ugu horeeyay ee ka soo yeera ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Burkina Faso, tani iyo markii madaxtooyada ay la wareegeen.

Waxa ay sidoo kale xireen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo kullan heer wasiiro ah ku lahaa dhismaha madaxtooyada ee caasimadda dalkaasi, Ouagadougou.

Hadaba, waxaa la sheegayaa in arrintan ay u muuqato afgembi.

Tallaabadan ayaa timi kaddib laba maalin oo guddi ay ku taliyeen in shaqada laga joojiyo ciidamada ilaaliya madaxtooyada.

Rabshado ay qeyb ka ahaayeen baarlamaanka talada haya ayaa waxa ay xoog xilka uga tureen madaxweynihi mudada xilka haayay ee Mr Compaore, oo dalkaasi ka cararay bishii October ee 2014.

 

 

 

maxamed xasan

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here