Saxilnews.com
Dowladda African Ah Oo Ciidammo Dheeraad Ah U Soo Direysa Soomaaliya Iyo Halka Ay Ciidankaasi Ka Hawl Gali Doonan
November 27, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Dowladda African ah ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in ciidamo dheeraad

ah u soo direyso dalka Somaliya .

Dawladan ayaa ah Xukuumada Uganda waxaana ay sheegtay in ay Soomaaliya u soo dirayso in ka badan 2,000 oo askari oo dheeraad ah, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgalka midowga Africa AMISOM.

 Warbaahinta dalkaas oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan dowladda Uganda ayaa sheegay in xukuumada dhawaan u daabuli doonto Soomaaliya 2,275 askari oo dheeraad ah, kuwaasoo ay shaqadooda ugu badan noqonayso xoojinta dagaalka lagula jira ururka Al-Shabaab

Jen. Katumba Wamala oo ah taliyaha ciidammada difaaca dalka Uganda oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu sagootinayay ciidammadan ayaa sheegay in ay dadaaalka ugu badan galin doonaan siddii Soomaaliya looga dhigi lahaa meel amaan ah.

Waxaa uu sheegay in dowladdiisa wax culeys ah ku heynin, mishaarka mar marka qaar ka soo daaha ciidammada, isaga oo intaa ku darray in ujeedada ay Soomaaliya uga howlgalaan tahay in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed.

COMMENTS
Latest News