Saxilnews.com
DOOXA AW-BARKHADLE OO QAADAY BAABUUR JAADLE AH
May 1, 2018 - Written by editor

Waxa galabta Dooxa tuullada Aw-barkhadle ee bariga Magaalada Hargeysa uu  qaaday   Baabuur jaadle ah oo noociisu ahaa  Shaamboo oo ka yimid dhinaca magaalada Berbera, hase ahaatee waxa laga soo badbaadiyey laba qof oo saarnaa Baabuurkaas.

Guddoomiyaha degaanka Aw-Barkhadle  Mr. Mahad Maxamuud Gahayr oo u warramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in baabuurkaas uu la tagay daadku, balse shacabka iyo maamulka tuulada Aw-barkhadle oo iskaashanayaa ay  u gurmadeen  laba nin oo saarnaa gaadhigaas  oo ay lahayd  mid ka mid ah shirkada jaadka ee ka jira dalku.

Guddoomiyaha  Aw-barkhadle waxa uu dadweynaha iyo gaadiidlayda u soo jeediyey inaanay isku biimayn daadka xooga leh ee

maraya dooxa Aw-barkhadle, waxaanu sheegay in ciidammada Booliska iyo maamulka tuuladaasi ay gaadiidka ka joojiyeen caawa inay isku qaadaan dooxa oo uu tilmaamay inuu labada gabi marayo. 

COMMENTS
Latest News