Doorasho Qabsoomaysaa Ma Jirto.. Laakiin 26-ka June Ka Dib Talada Dalku Sidan Noqon Mayso”

0
17

Hargaysa (Saxilnews.com0-

Musharaxa Madaxwayne Kuxigeenka ee Xisbiga Ucid Cabdirashiid xasan Mataan ayaa sheegay in waddanka aanay ka dhacay doorasho haba yaraatee wakhtigii loo qorsheeyey waxaana uu carabka ku dhuftay in dadka reer Somaliland loo soo bandhigi doono isla markaana laga tashan doono cidda dalka maamulaysa wixii ka dambeeya 26-ka June 2015-ka isagoo arritaas ka hadlayana waxa uu yidhi”Doorasho Wakhtigeedii oo ah 26-ka June dhacaysaa ma jirto laakiin, talada dalka lagu maamulayo 26-ka June wixii ka dambeeyaa ta maanta jirta noqon mayso, haddii lagu haddaaqayo iyo haddii kaleba.Goboladana waanu Ognahay,Xarunta dalkana waanu Ognahay,Mushtamaca Somaliland-na waanu Ognahay, waa Riyo ama Suldaan ha sheego ama Wasiir ha sheegee talada maanta lagu socdo 26-ka June hadday doorashadu inala dhaafto waabay inala dhaafaysaaye talada maanta lagu socdo lagu socon maayo ee talo ka duwan ayay noqonaysaa”

 

c8f4e30faa6a62ad4b03265e77ffb341_L

 

 

Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Insha Allah War jiraaba Cakaaruu Imane taladaasi Talo shacbiga oo dhan loo soo bandhigo  oo ay Shacabku yeeshaan qaadashadeeda iyo fulinteeda ayay noqon doontaa”

ma aha markii ugu horaysay ee masuul ka tirsan xisbiga UCID uu aragtidiisa ku cabiro rajada uu ka qabo doorasho waxaase xusid mudan in dhamaantood ay ka sinaayeen  dhisitaanka dawlada wadaag ah, inkatsoo   kulan ay xisbiyada qaranku la yeesheen guddida doorashooyinka qaranka oo ay xisbiyada Mucaaradka ahi rajo ka muujiyeen qabsoomidda doorasho aan wakhtigeedi dib Udhicin

Saxilnews.com/ Xigasho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here