
doodan oo lagu soo casuumay Dr.Maxamed Cismaan Fadal, wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, Aqoonyahan Cabdikariin Axmed Mooge iyo sida oo kale dhalinyaro tiro badan.

Ugu horayntii waxa halkaas ka hadashay Hoodo-ayaan Suldaan Aadan oo ah guddoomiyaha xarunta Maxamed Mooge, waxaanay faahfaahisay sida loogu baahan yahay in aynu dhinacyo badan iska taagno abaaraha dalka ku soo laablaabtay iyo sidii wakhtigan looga gaashaaman alahaa, iyada oo qaybaha kala duwan ee bulashada Somaliland u soo jeedisay in ay u midoobaan wax wada qabsiga iyo xal u helida mushkiladaheena, oo ay meel iska dhigaan kala duwanaashaha bulsho ee aan micnaha adag ku fadhiyin.waxay ku soo dhawaysay dooda ka soo qaybgalayaasha iyo masuuliyiinta doorka muhiimka ah ka ciyaarayay sida xal loogu raadin karo abaaraha dalka haatan la dariska ah.

Cabdikariin Axmed Mooge oo halkaas ka hadlay ayaa awooda saaray in lagaga bixi karo abaaraha wadajirka xukuumada iyo shacabka, waxa uu tilmaamay in la qabto dhibic kasta oo biyo ah oo roobka aynu ka helno lana kaydiyo,in la soo saaro biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo sida oo kale in awooda la saaro in deegaanka dib loo dhireeyo, lana soo celiyo seerayaashii iyada oo dadka reer guuraaga ah laga dhaadhicinaayo inay arimahani yihiin kuwo iyaga u dan ah. waxa uu awooda saaray Cabdikariin Axmed Mooge in loo baahan yahay tirokoobyada xoolaha dalkeena iyo wax kasta oo khayaraadkeena ka mid ah.

Dr.Maxamed Cismaan Fadal ayaa isagu waxa uu ka warbixiyay abaarihii kala duwanaa ee dalka soo maray, siyaabihii wakhtigaas wax looga qabay iyo sida wakhtigan loogu baahan yahay xal u helida abaaraha, waxa uu Dr.Fadal awooda saaray in xalka abaaruhu uu ku xidhan yahay in adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada la gaadhsiyo deegaanada miiga ah isla markaasna la deegaameeyo dadka reer guuraaga ah, lana qorsheeyo dhulka guud ee dalka goobaha beeraha noqonaaya iyo kuwa daaqa loo degaayo.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo haatana ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isagu dhankiisa awooda saaray ka hadalka abaaraha wakhtigan dalka ka taagan iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxaanu abaartan ku tilmaamay mid la mid ah abaarihi Soomaalida soo maray ee dad iyo duunyaba dhibaatooyinka waaweyn u gaysan jiray, waxa uu sida oo kale tilmaamay in loo baahanyahay in la mideeyo gargaarka la gaadhsiinaayo dadka abaaruhu ay ku habsadeen iyada oo maamuldaadajina arimahaas lagu samaynaayo.Gabogabadii doodaas oo ku qabsoontay hudheelka Maamuus ee magaalada Hargeysa waxa halkaas suaalo layska waydiiyay sida ugu dhaw ee xal loogu heli karo abaaraha dalka ka taagan oo ah kuwo soo noqnoqda. waxaanay xarunta Maxamed Mooge u balanqaaday in shacbiga Somaliland ay u so gudbin doonto gu’ndhiga waxii ka soo baxay doodan.







