Saxilnews.com
Dibad Baxyo Xoogan Oo Ka Bilaabmey Dalka Iran +[ Sababta ]
January 12, 2020 - Written by cali abdilaahi

Boqollaal dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Iran, ee Tehran, iyagoo muujinaya caro ay u qabaan dowladda, uguna yeeraya beenaalayaal inkiray inay soo rideen diyaarad rakaab ay saarnaayeen oo laga leeyahay dalka Ukraine.

Dibadbaxyada ayaa ka dhacay bannaanka ugu yaraan labo jaamacadood, iyadoo la sheegay in booliiskuna uu adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka taageero ugu muujiyay dibadbaxayaasha.

Iran ayaa shalay qiratay inay “si kama` ah” usoo ridday diyaaradda, saddex maalmood kaddib burburkii diyaaradda oo ay ku dhinteen dhammaan 176 qof oo saarnaa

Duullimaadka Ukraine International Airlines ee PS752, ayaa Arbacadii lagu soo riday meel u dhow garoonka Imam Khomeini ee magaalada Tehran, wax yar kaddib markii ay halkaasi ka duushay, iyo saacado yar un kaddib markii ay Iiraan gantaallo ku tuurtay labo saldhig oo ciidamada Mareykanku ay ku leeyihiin Ciraaq.

Diyaaraddii burburtay: Canada iyo Ukraine oo Iiraan ka dalbaday caddaalad

Weerarradaas ayaa waxay Iiraan uga jawaabeysay dilkii Mareykanka uu u geystay Qasem Soleimani oo lafdhabar u ahaa milatariga Iiraan, kaasoo ku dhintay weerar ka dhacay Baghdad 3-dii January.

Dad u dhashay Iiraan, Canada, Ukraine, UK, Afghanistan iyo Jarmalka ayaa ku dhintay diyaaradda.

COMMENTS
Latest News