DHIBTA IYO DHEEFTA ADEEGGA ZAAD Qaybtii Labaad TELESOM MAXAA LAGA DHAXLAY!

0
15

Berbera (Saxilnews.com)-Dadka garaadkooda iyo garashadoodu liidato, ama afkaarta aan xor ka ahayn kuma dhiiradaan sheegista xaqiiqda,

Waa shakhsiyaad isdhiibay oo gacmaha laabtay waxay ilaashanayaan dan yar oo gaar ah, lama yaabayo inbadan oo kamid ah duruufaha nololeed ee wakhtiga ayaa qaabeeyay, kana dhigay qaar dullaysan, waxa lagala wareegay furayaashii caqliga iyo caloosha.

Waa shakhsiyaad aynu ku tilmaami karno MANOOLE AAN DHIMAN.

Waxba kama soo galaan kuwa ay isku dhul dhigayaan iyo isdhuldhigista laftarkeedaba, kuma dhaliilayo habdhaqanka noocaas ah waayo waa qof hoos ugu dhacay meeqaamkii dadnimo, islamarkaana ka dhexbaxay xayndaabkii iyo xuduudaha aadminimada.

Kasoo gudub, kusoo noqo iyo halkii ay inoo maraysay, guud ahaanba mawduuceenu wuxu ku saabsanaa dhibaato bulshadeena saamayn wayn oo taban ku yeelan karta.

Ummaduhu waxay isku dhaafaan hadba sida ay uga wada shaqeeyaan wax kasta oo noloshooda la xidhaadha sida dhaqaalaha, nabad galyada, iskaashiga iyo aayo katashiga mustaqbalkooda.

Danta gaarka ah waxay ku tiirsantahay danta guud balse danta guud kuma tiirsan danta gaarka ah.

Mustaqbalka khatarta ugu wayn ee adeegyada noocan ah sababi karaan waxa ka mid ah in dhaqaalihii ummaddu gabi ahaantiisba uu u gacan galo shirkado gaar looleeyahay.

Danta guud ee ummadda laguma aamini karo shirkadu, suurtagalna ma aha in aynu daawano oo dibnaha ka xidhano.

Waa shirkad, waa rag danahooda gaarka ah ka shaqaynaya, waa rag soo shaqo tegay

 

ceeb maaha, ma odhanayo waa xaq in ay rabitaankooda meel mariyaan.

Ujeedo kasta oo ay leedahay ha ahaato mid ay ku rabaan in ay ku gaadhaan kursiga ummadda looga taliyo iyo haddii hammi kale oo kafogba uu jiro waxay isugu soo uruurayaan dano gaar ah.

Maaha dan guud iyo wax ummad ka dhexeeya toonna.

Qasab kuma aha in ay danaha guud ka shaqeeyaan iyaguna xaq umalaha in ay danaha guud leexsadaan.

Si aynu isalafanno khatarta uu leeyahay adeeggu waxaynu maqaalada soo socda kulafaguri doonnaa qodobada;-

Cilladaha iyo caqabadaha ka yimaadda adeegga Mobile Money gaar ahaan cilladaha haysta dalalka soo koraya.

Waa maxay digital money, qaabkee loo sameeyaa, iyo waliba amaankeeda waa side.

Maraykan iyo sida uu uga dhex shaqeeyo adeegga Mobile Money

Iyo qodob kale oo muhiim ah.

Losoco qaybaha danbe.

W/Q Axmed Cabdicasiis Xaaji Maxamed

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here