Saxilnews.com
Dharaaro Xusuustood Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 47aad
May 16, 2016 - Written by admin
prof gees

“Dalka waanad joogine, rag baa la soo dabbaashay, Illaahay ha ka abaalmariyo dedaalkoodii ay nabadda u galeen ay malaayiinta qof maanta ku nooshahay”

“Rijaalun xawla Rasuul” – “Raggii ku xeernaa Rasuulka”

Khaalid Maxamed Khaalid

Qarnigii labaatanaad dhexdiisii, waxa Khaalid Maxamed Khaalid qoray Buug uu ku magacaabay “Raggii ku Xeernaa Nebi Maxamed” (Nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee), Sheekh Jaamacadda Al As-har ka tirsan.

Sheekh Khaalid Maxamed Khaalid waxa uu kaga warramayaa oo ka sheekaynayaa raggii ka ag-dhowaa asxaabta Nebiga (Nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) ee fidiyey diinta islaamka. Sida la ogsoon yahay waxa uu Nebigu (NNKHA) geeriyooday, iyada oo Diinta Islaamku aanay dhaafin Maka iyo Medina.

Haddaba, Khaalid Maxamed Khaalid oo raggaasi fidiyey Diinta Islaamka ayuu sheeko mid mid uga sheekaynayaa, kartidoodii, iimaankoodii, dulqaadkoodii, deeqsinimadoodii iyo geesinimadoodii. Illaahay ha u naxariisto asxaabtaas Nebiga (NNKHA).

Haddaba, Somaliland oo dhowaan u dabbaal-degaysa ku-dhawaaqiddii goonni-isu-taaggeeda iyo la-soo-noqoshadii xorriyaddeeda oo 18-ka Mey ku aadan, oo 25 sannadood ka soo wareegtay, ayaa waxa mudan in la soo qaado raggii ku xeernaa Nabadda Somaliland.

Waa dabbayaaqadii sannadkii 1989-kii, magaalooyinka, Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiiley, Ceerigaabo iyo tuulooyinka ay beelaha Isaaq degaan, waa haawanayaan. Dadkii, maatadii waayeelkii rag iyo dumar, waxa ay qaxooti ku yihiin xeryo lagu teeday Kililka Shanaad ee Itoobiya, halkaasi oo ay ku dhibaataysnaayeen.

Koox aqoonyahanno iyo Madax-dhaqameed ah oo reer Sool iyo Buuhoodle ah oo uu hoggaaminayo Marxuun Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, ayaa socdaal ku kala bixiyey xeryahaas qaxootida ilaa Balligubadle oo ahaa xarunta jabhadda SNM.

Garaadka waxa socdaalkiisaa ku weheliyey oo aan hadda ka xasuustaa Injineer Maxamed Cali Caateeye oo maalgeliyey hawsha iyo Baashe Cali Jaamac oo hadda ah Wasiirka Biyaha ee dawladda Somaliland.

Waxa kale oo ka mid ahaa Oday-dhaqameed caan ahaa oo la odhan jiray Cali Qamar (oo mar Marxuun Cigaal ku sheegay Cali Dayax intuu ka helay hadalkiisii).

Waxa ay u sheegeen dadkii qaxootida ahaa, Madax-dhaqameedkii iyo Madaxdii Jabhadda inay ka daqmadeen xadgudubka iyo xasuuqa nidaamka dawladdu kula kacay oo aanay la qabin kulana jirin gabood-falkaas (not in our name); oo ay kana soo horjeedaan nidaamkaas ayna taageersan yihiin halgankooda. Arrintaas oo taabatay dadkii oo ay iyana si walaaltimo ah u soo dhoweeyeen, in kasta oo ay dhibaataysnaayeen, taasina fure u noqotay nabadayntii beelaha Somaliland.

Sannadkii 1991 markii Jabhaddii SNM ay guulaysatay ayey wacday shir nabadeyn iyo xabad joojin beelaha Somaliland dhexdooda ah, kadibna rag ayaa ka soo kicitimay bari iyo galbeed si ay shirkaas uga qaybgalaan.

Shirkaas oo Berbera ka dhacayey Marxuun Maxamed Cabdi Dhimbiil oo ragga Boorame ka soo kicitimay la socday, waxa uu ii sheegay markay Kalabaydh soo gaadhiin ayaa gabadh ay Inaabti ahaayeen oo reer Kalabaydh ahayd oo aragtay isku duubtay oo ku barrooratay oo ku tidhi; “Maxaa ku keenay meesha ee aad naftaada u soo biimaysay.”

Cali Faarax Sayax waxa uu noqday qofkii u horreeyey u shahiida nabadda Somaliland, markii Berbera lagu toogtay qolo ka dhacaysay baabuurka, isaga oo ergo nabadeed ah oo u yimi shirkaas nabadda ee u horreeyey ee lagu qabtay Berbera.

Ergadii Badhan ka timi markii ay Sheekh marayeen, ayaa baabuurkii laga dhacay iyana. Waxa ka mid ah ergadaas marxuun Caaqil Bashiir Ducaale (Chief-Bataloozi oo ay u bixiyeen, kuwa nabadda diidani). Shirkii Berbera guul ayuu ku dhammaaday .

Sannadkii 1992 Dekadda Berbera waa xidhantay oo dagaallo ayaa ka dhacay, Dekadda Moqdisho iyo Kismaayo iyana way xidhmeen. Macaluul ayaa dadweynihii Soomaaliyeed ku habsatay waa xaarama- cune.

Odayaal reer Boorame ah: Xaaji Daa’uud, Suldaan Godaad, Sheekh Cabdillaahi Cali Jawhar iyo Suldaan Guray, ayaa is-abaabulay baabur calan cad ka bilig leeyahay ku maray Hargeysa, Berbera iyo Burco, dabadeed shir u wacay Sheekh, ku heshiisiiyay qolooyinkii dagaalku ka dhexdhacay. Heshiiskaas kadib wacay shirka nabadeed Boorame, halkaas oo Axdi-nabadeed iyo Axdi-qarameed Dawladeed lagu soo unkay. Iyana maalin ayey ahayd.

Sannadkii 1993 Ceerigaabo oo beelihii Harti ka maqan yihiin, ayaa Nin la yidhaahdo Siciid Maxamud Nuur (Siciid Bidaar) uu keligii ka soo dhaqaaqay Hadaaftimo – Bariga Sanaag, kaas oo isu soo tuuray Ceerigaabo. Maayarka hadda ee Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayuu gurugiisii ku garaacay oo markii arkay ka naxay, kadibna qol ayuu ku xidhay, dabadeedna magaaladii ayuu galay oo shir ku qabtay. Shirkii waxa uu dhalliyey in Shirweynihii Nabadda ee Beelaha Sanaag lagu qabto Ceerigaabo isla sanandkaas, taas oo keentay in magaaladdii lagu soo wada noqdo.

Isla shirkaasi markii loo soo diyaar garoobay oo ergooyinkii ajandhaha dejinayey ay yimaaddeen Ceerigaabo, ayaa waxa magaaladii soo galay Baabuur Meersheedis 19 ah, oo hore looga dhacay beesha Dhulbahante oo rag lagu dilay. Baabuurkaas oo gacmo iyo ardaayo kala duwan isu maray, ayaa markii la arkay waxa bilaabmay guux, kadibna Marxuun Cali Warsame oo Odayaasha Habar/Yoonis Bari ka mid ahaa, ayaa lacag jeebkiisa ka bixiyey oo la wareegay baabuurkii, dabadeedna siiyey qoladii Dhulbahante ee laga dhacay. Iyana magaalada Xudun ayey markiiba ula kaceen. Sidaas ayaa shirkii ku hirgalay .

Sannadkii 1993, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa Istaadiyamka Hargeysa ku wareejiyey hubkii beesha Arab Dawladdii iyo Madaxweyne Cigaal. Waxa uu yidhi Marxuun Cigaal; “Waa Suldaankii ii hiiliyey markii labadii qolo ee kale ee reer Hargeysa ee jaakidheen marnaba ma ilaawayo cid kalena ma ictiraafsane.” Waxa kale oo uu Madaxweyne Marxuun Cigaal yidhi; “Ibraahim Dhegaweyne marna ilaawi maayo sidii uu Dekadda Berbera uu dawladda ugu soo wareejiyey iyo khatartii uu naftiisa ku geliyey hawshaasi inay hirgasho.

3-dii Mey sannadkii 2002, waxa la soo sheegay geeridii Marxuun Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kadibna degdeg ayaa loo dhaariyey Madaxweyne-ku-xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin inuu ku-meel-gaadh ahaan u qabto xilkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si aan kursigu u bannaanaan oo muran u dhicin oo cadawgu uga faa’iidaysan. Ragga go’aanshay talladaasi waxa ka mid ahaa Guddoomiyihii Golaha Guurtida Marxuun Sheekh Ibraahim Sheekh Madar.

Aroortii dambe ayaa Sheekhii lagu yidhi “Adaa kursiga xaq u lahaa sida dastuurku dhigayo ee waa lagaa qaaday.” Sheekh Ibraahim waxa uu ku jawaabay; “Ninkii aan shalay galab dhaarshay, saaka ku qabsanmaayo ee i dhaafa.” Sidaas ayaa 8 sanno uu Daahir Rayaale ku noqday Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3-dii Mey sannadkii 2003, waxa Guddigii Qaranka ee Doorashooyinku ku dhawaaqeen in doorashadii Madaxtooyada uu ku guulaystay murashaxa Xisbiga UDUB Mudane Daahir Rayaale Kaahin; oo musharaxii Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) lagaga guulaystay 80 cod oo keliya.

Qolooyinkii ka ag dhowaa Siilaanyo waxay u soo jeediyeen inaaan la aqbalin natiijada doorashada oo laga dagaalamo, balse Mudane Siilaanyo waa diiday soo jeedintaa oo waa aqbalay natiijadii markay ayiday Maxkamaddii Sare. Toddoba sanno oo dambe ayuu ka dhursugayey in doorasho dhacdo isaga oo illaalinaya nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland. Boowee maxaa kuu baxay. Dalka waanad joogine, rag baa la soo dabbaashay, Illaahay ha ka abaalmariyo dedaalkoodii ay nabadda u galeen ay malaayiinta qof maanta ku nooshahay.

COMMENTS
Latest News