DHAQANKII QIIMAHA LAHAA EE MADAX-DHAQAMEEDKA HA LA SOO CELIYO .. QALINKII:SAXAFI MADAX-BANAAN

0
13

Qoraa:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood mobile 4109843 Hargeisa Somaliland Rep.

Soomaalidu  waxay lahaayeen dhaqan  leh kala dambayn oo beelkastaaba ay leedahay

Hogaamiye dhaqan  caaqil,suldaan,boqor,malaaq,ugaas,islaan,imaam,duub,oo leh karaamaddii  muslim

Lahaan jiray sida inuu yahay nin Allaah(Swt) xoolo miyi ku manasaystay,nin leh wiilal badan oo aan la

Loodin Karin oo deegaamada ka dhex-muuqda iyo hablo sharaf leh,ixtiraam,af-gaabnaan leh oo

Deegaamada ku hareeraysan  la iska waraysto ninkaas,ubadkiisa iyo xaaskiisa,hogaamiyuhuna wuxuu

Hagi jiray ugu yaraan toban kun oo nin oo dhinac kastaba iskaga mid ah dhinaca geesinimada,xoolaha

Ragganimada,Aftahannimada iyo Garta sida geedka loogu  goleeyo .

Waxaa muddo iminka laga joogo shan iyo toban sanno ah inagu soo badanayey dhaqano aad iyo aad u

Oo aan islaamnimo

iyo dadnimo toona ku wanaagsanahayn waxaynu maqlaynaa nin reer yar oo aan

gaadhayn kun nin ay ninkoodii u cimaamadayaan Ugaas oo dhaqan ahaan qabiilooyinka soomaalida

Qaar ka mida ay iska leeyihiin,waxaad maqlaysaa mid Boqor loo cimaamadayo oo magacaa boqorkana

Ay iska leeyihiin qabiilooyinka soomaalida beelo ka mida,waxaad kaloo maqlaysaa Garaad oo dhaqan

Ahaan qabiilooyinka soomaalida qaar ma mida ay iska leeyihiin,Waxaad kaloo maqlaysaa mid Imaam

La baxay oo ay iska leeyihiin qabiilooyinka soomaalida beelo ka midi,waxaad kalo maqlaysaa qof ku

dawarsanayaa magacii dhalinyarada oo la baxaya ugaaska dhalinyarada,garaadka

dhalinyarada,suldaanka dhalinyarada,boqorka dhalinyarada , ugaaska dhalinyarada,

Waxaa weliba kaba sii daran  dhalinyaro la baxday ururo oo ku dawarsanaysa magacii dhalinyarada

Oo aan waxba loogu qabanayn iyo qaar ku dawarsanaya magacii haweenka oo aan waxba loogu

Qabanayn waa ayaan darada soomaali meelkasta oo ay joogaan haysata ,waxaa kale oo Biyo dhiciyey oo qudhmiyey madaxdhaqameedkii sharafta,karaamada,qiimaha ku dhex lahaa

Deegaamada soomaalida qaar wakhtigan la joogo xaalkoodu noqday ku qabso ku qadi maysidee

Ama ku dawarso oo ha kuugu badato oo xalaal iyo xaaraan wixii aad heshid caloosha geli aakhirana

Yeelkeed oo qofkii aad doontid Tv-yada ka caay,qofkii aad doontid Websityada ka caay oo qofkii aad

Doontid wargaysyada ka caay oo kii wax kugu shubta inta lacagtu calooshaada ku jirto difaac,marka

Ay kaa dhamaatana isaga cayda ugu horaysii waa dhaqana aadka u xun ee aynu baranay waxaynu

Arki jirnay dad la yidhaahdo af-miishaaro,been ma sheegayaal,dhuuni raacyo, balse dhaqamada

Noocan ah ee foosha xun waa mid karaamaddii soomaalidu lahaan jirtay god madoow ku riday.

Waxaan madaxdhaqameedyadda qaddiimiga ah ee beelahoodu ay cimaamadeen inay xeer adag

Ka soo saaraan madax dhaqameedyadda aan keeni Karin shan kun oo inan oo qori loo dhiibi karo

Waxaan Xukuumadda,Barlamaanka u soo jeedinayaa in la sameeyo gole dhaqan oo leh

Mushahar iyo gunnooyin si loo xadido cimaamadahan faraha badan ee la iska sito oo

Madaxdhaqameedkastaaba uu horjooge u yahay shan kun oo nin oo qoriga qaadi kara.

Waxaa laga baxayaa madax-dhaqameed maalinba cimaamadu ka dhacayso oo hadalkiisa

Aan u fiirsanayn,waxaa kaloo meesha ka baxaysa kuwa daba-qaloocda ah ee aanay beelahoodu

Aanay cimaamadin,waxaa kaloo meesha ka baxaysa nin reerkiisii sadex boqol oo nin yihiin .

Waxaan kaloo xukuumadda talo u soo jeedinayaa in la dar-dargeliyo madax-dhaqameedyada

Aan kor ku sheegay,waana inuu dalku yeesho afar gole 1-Golaha Culimaaudiinka,2-Golaha Barlamaanka

3-Golaha Madaxdhaqameedka 4-Golaha Wasiirada.

Waxaan kaloo talo u soo jeedinayaa xukuumadda uu M/waynaha ka Yahay Mudane:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) in cuqaashu ay noqdaan kuwii deegaamada ay ka soo jeedaan talooyin

Uga keeni lahaa Madaxdhaqameedkiisa ka sareeya ee ku jira golaha madaxdhaqameedka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here