Saxilnews.com
Dhacdo Naxdin Leh Goob Xaflad Aroos Ay Ka Socotay Oo Mar Kaliya Isu Bedeshay Dhiig, Burbur Meydad & Dhaawacyo+Dalka Ay Arintani Ka Dhacday.
November 18, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Xaflad aroos oo ka dhacday Dalka Ciraaq gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee Baqdaad ayaa hal mar isku bedeshay goob dhiig iyo Geeri ay taalo,

wedding-bam

Ka dib markii qof isa soo miidamiyey uu isku dhex qarxiyey hoolkii ay ka socotey Xafladu ugu yaraan inta ilaa iyo haatan la ogyahay waxa halkaasi ku geeriyoodey 19 qof halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Munaasibadaasi aroos ayaana gabi ahaanba hal mar isku badeshay goob uu qul qulaayo dhiig iyo maydad tiro badan oo goobtaasi lagu arkaayey daqiiqado gudahood,

Xafladan aroos ee la martil maameedsaday ayaa waxa ka soo qayb galay xubno dawlada Ciraaq ka mid ah kuwaasi oo dagaal adag kula jira Kooxda Daacish,Qoraal ay baahisay Kooxda Daacish waxay ku sheegatay masuuliyada Weerarkaasi.

Mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa waxa kooxda Daacish dagaal adag ay ku wada jireen ciidamada dawlada gaar ahaan magaalada ay ku xooganaayeen kooxdaasi Daacish ee Mwzil.

COMMENTS
Latest News