Saxilnews.com
Degdeg: Thomas Rosicky Oo Garoomada Ka Maqnaan Doono Mudo Labo Bilood Ah;;;
August 12, 2015 - Written by admin

World Cup (Saxilnews.com);Khadka dhexe ee Arsenal Tomas Rosicky ayaa la xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono kadib markii lahu sameeyay qaliin dhanka jilibka ah, waxaa sidaasi xaqiijiyay wakiilka kubad sameeyahay ree Czech.

Xidigaan ayaa dhaawac la yaalay ilaa bishii June kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray jilibka xili uu gudanayay waajibaadka qaran ee xulkiisa Czech waxaana markii hore la filayay inuu bilowga August dib ugu soo laaban doono tababarka buuxa ee kooxdiisa.

laakin Rosicky oo haatan 34 sani jir ah ayaa u muuqda inuu seegi doono ciyaaraha kooxdiisa mudo afar todobaad oo kale ah kadib markii lagu sameeyay qaliin si xal loogu raadiyo dhibaatada ka heysatao dhaawacyada soo laalaabta e kasoo gaaro jilbka.

Wakiilkisa ayaa yiri “Tomas wuxuu talaadadi lasoo dhaafay ka gudbay qaliin lagu sameeyay oo dhanka jilibka ah, waqtiga soo kabashadiisa waxaa lagu qiyaasay afar isbuuc” sida laga soo xigtay wakiilka Rosicky Pavel Paska oo la hadlayay iDNES.cz.

Xiriirka Czech FA ayaa xaqiijiyayinuu seegi doono xidigaan kulamada isreebreebka ee Euro 2016 ee September, iyagoo intaa ku daray inuu baaritaano badan mari doono ka hor kulamada ay la ciyaari doonaan Turkey iyo Netherlands bisha October.

“Wuxuu qaadanaya daawooyin, inkastoo wax weyn aysan aheyn, laakin waqtiga ayaa inaga soo horjeeda” auu yiri gudoomiyaha xiriirka Football Association of the Czech Republic Miroslav Pelt.

Qore:Mahamed Hassan Adam(Faradeero)

COMMENTS
Latest News