Saxilnews.com
Degdeg: Sadexda Ciyaariyahan Ee Isugu Soo Hartay Abaalmarinta Xidiga Yurub Oo Lagu Dhawaaqay, Yaa Isugu Soo Haray?”’
August 12, 2015 - Written by admin

World Cup (Saxilnew.com)’Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Luiz Suarez ayaa lagu dhawaaqay iney yihiin sadexda musharax ee isugu soo haray tartanka abaalmarinta xidiga sanadka ee qaarada yurub ee Uefa Player of The year ee xili ciyaareedka 2014-15.

Ronaldo, woo abaalmarintaan difaacanaya ayaa markale kamid noqday sadexda musharax ee isgu soo hartay abaalmarintaan kadib markii uu xili ciyaareed kale oo layaab leh uu soo bandhigay xili ciyaareedkii dhamaaday ee 2014-15 kadib markii uu dhaliyay 61 goool kadib 54 kulan oo uu kasoo muuqday kooxdiisa wuxuuna ku tartamayaa inuu wato Uefa Super Cup iyo koobka koxoaha aduunka ee Club World Cup.

Messi iyo Suarez, ayaa iyaguna dhanka kale la sameystay isfahan ciyaareed layaab leh saaxiibkooda ree Latin America ee Neymar si ay uga caawiyaan Barcelona iney la hoyato sadexda koob xili ciyaareedkii koowaad ee Luis Enrique ee kooxda catalonia.

Manuel Neur oo kamid ah sadexdii musharax ee xili ciyaareedkii hore isgu soo haray abaalmarintaan iyo tan xidiga aduunka, Hazard oo kamid ahaa xidigihii ugu fiicnaa yurub kana saaciday kooxdiisa Chelsea ku guuleysiga labada koob ee horyaalka iyo League Cup ka ayaa kamid ahaa musharixiintii abaal marintaan u taagnaa.

Sadexdaan xidig midkii ku guuleysto abaalmarinta ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta la qabanayo isku aad aadka Champions League heerkiisa guruubyada ee bisha soo socota ee August 27.

Qore: Mahamed Hassan Adam(Faradeero)

COMMENTS
Latest News