Saxilnews.com
Deg DegDaawo :- Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Fariintii Ugu Adkayd U Diray Xukuumadda , Kana Hadley Saldhiga Military Ee Imaaradka
February 10, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (SaxilNews):- Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa goor dhaweyd hoyga uuka degan yahay magaalada Hargeysa ugu waramey telefishanka Star ayaa waxaa uu fariin adag u diray xukuumada madaxweyne Siilanyo

 

Muddane Xirsi ayaa waxaa uu sidoo kale si adag uga hadley saldhiga military ee dawlada Imaaradka laga siinayo magaalada Berbera , waxaana uu tilmaamay in Somaliland halis uu keeni karo Saldhigaasi isla markaana waxaa uu sheegay in aanu isagu garaneen goor ay Somaliland qeyb ka noqotey dagaalada ka socoda dalka Yemen .

 

” In Heshiis Military la galo oo ciidan dalkeena la keeno waxaa ay u muuqaaa in halis badan dalkeena u keeni karto , dunidana looma yeedho ciidan qori sita oo aan dalkaaga u dhalan .

Ma ogi anigu dalkeenu goor uu qaatey in aynu dagaal galno oo ah dagaal aan dalkeeno loo dagaalameen , uma arko maslaxada dalkan in dagaal meel ka baxaya aynu u yeedhano ” ayuu yidhi

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News