Saxilnews.com
Deg Deg :- Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashey Sababta Ay U Hor Istaagtey Shirkii Uu Qabsan Lahaa Garabka Jamaal Cali Xussen .
November 8, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirka wasarada arimaha gudaha Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir faratoon

oo wareysi siiyey wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan telefishanka HCTV waxaa uu ka hadley sababta ay xukuumada oo hor istaagtey in shir garabka Musharax Jamaal Cali Xussen ay ku qabsan lahayeen  hotel Maansoor .

Muddane Faratoon waxaa uu sheegay in uu isagu bixiyey amarka lagu hor istaagay shirkaas , shirka Jamaal Cali Xussen uu yahay mid sharci daro ah isla markaan uu baal marsan yahay qaraarkii ay soo saartey maxkamada sare .

 

Sidoo kale Muddane Faratoon waxaa uu sheegay in sababta ay u joojin wayeen shirka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ay tahay in shirkas uu qabsanayaa uu yahay kii ay maxkamada sare soo saartey isla markaana shirciga uu waafaqsan yahay

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News