Saxilnews.com
Deg Deg:-Xukumada Somaliya Oo Si Adag Uga Hadashay Heshiiska Imaaraatka Loogu Ogolaadey In Saldhig Milatari Laga Siiyo Berbera+Siro Badan Oo Ku Saabsana Fashilisey.
February 14, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews):-Xukumada Federaalka ah ee dalka Somaliya ayaa war ka soo saartey ogolaanshaha Somaliland ay ogolaatay in saldhig milatari Magaalada Berbera laga siiyo dalka isku taga imaaraatka Carabta.

Dr Maxamed Nuur Faarax oo ah hanta dhowraha guud ee xukumada Somaliya oo la hadlay Idaacada VOA waxa uu sharci daro ku tilmaamay Heshiiskaasi isaga oo sidoo kale sheegay in nuqulka waraaqihii loo qaybiyey xildhibaanada labada gole ee Somaliland ee u codeeyey in la siiyo saldhiga Imaaraatka in aanu ahayn nuqul rasmi ah balse uu ahaa wax la soo dhoob dhoobey.

Hanti dhowraha ayaa sido kale waxa uu tilmaamay in shaqsiyaad reer Somaliland ahi ay lacago ka soo qaateen Imaaraatka iyaga oo dantooda eegaya iskana indho tiraya danta Qaranka,

Dr Maxamed Nuur Faarax Hanti dhowraha Guud ee Somaliya oo arimahasi ka hadlaya ayaa yidhi

“Heshiiskani sanadkii hore ayaa la bilaabay bilowgiisiina waxa uu ahaa markii kii hore ee D.Pworld heshiiskii ahaa dekeda Berbera ama Saaxil Eria la rabay in lagu siiyo shirkadaasi oo qalad ka yimi,qaladkaasina waxa qayb ka ahaa madax sare oo dawlada federaalka ah iyo madax kale oo iyana Somaliland ah,

Markaa waxa weeyi heshiiskii sidaa ahaa  ayaa heshiiskani dhalay oo ah ciidanka in Saldhig milatari loo siinaayo Imaaraatka,”

Mar wax laga waydiiyey ka hanta dhowro ahaan sida uu u arko arintani iyo waxa uu ka ogyahay cida heshiiska u saxeexday Somaliland ayaa waxa uu yidhi.

“Heshiiskaasi wuu qaldan yahay xafiiskayaguna waxa weeyi wuxuu ilaaliyaa Hantida Qaran,Hantida Qaran oo ah Bad Deked Madaar iyo Xuduudaha iyo wixii ah Hantida ma Guurtada ah iyo Hantida Guurtada ah heshiiska ahina waa Qalad dadka xildhibaanada ah ee Somalilandna waxa loo qaybiyey Nuqul aan lahayn cadaymo oo aan lahayn Qodobadii heshiiska la kala saxeexday iyo saxeexyadii waalaga qariyey,

Waxa weeyi Umada deegaankaa degan heshiiskani xad gudub ayuu ku yahay danta Umada iyo dalka guud ahaantoodba laga eegin shakhsiyaadbaa galay iyaga oo ka eegaya dantooda gaarka ah Gacan marisbeyna soo qaateen sharci maaha wax ay umada u qabanaysana ma laha,”

Waa markii ugu horeysay ee xukumada Somaliya ay ka hadasho arintani Saldhig Somaliland ay ku ogolaatay in la siiyo Imaaraatka Xarun ciidan.

Shacabka Somaliland ayaa arintani si wayn uga soo hor jeestey inkasta o labada gole baarlamaan ee Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in la siiyo Saldhig Milatari dalka Imaaraatka Carabta.

Source:-Hangoolnews

COMMENTS
Latest News