Xadhiga Wariyaha ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyay Xidhibaan Aadan Xaaji Axmed Ismaaciil oo ka mida Xubnaha Degaanka Degmada Gar-adag.
Amarka Xadhiga wariyaha ayaa la sheegay inuu bixiyay Maayirka Degmada Gar-adag Faarax Aadan Ciise,lamana garanayo sababta uu ku xidhay haseyeeshee waxa wararku intaas ku darayaan in degaanka Gar-adag ay ka jirto cabasho ka dhan maayirka oo lagu eedeeyay inuu lunsaday mucaawimadii tukriga ee loogu talagalay in siyodanyarta degaankaas.
Gudoomiye ku xigeenka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,Kayse Axmed Digaale ayaa cambaareeyay Xadhiga Wariyaha islamarkaana ugu baaqay maamulka degmadaasi inuu si Degdeg ugu soo celiyo xoriyada wariyahaa.
Xukuumada Somaliland ayaa caadaysatay xadhiga sharci darada ee ay ku xidhxdhayso wariyayaasha.