Saxilnews.com
Deg Deg:- Wariye C/Maalik Muuse Coldoon Oo Lagu Xidhay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa
February 15, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews) Wararka aanu ka helay garoonka diyaaraduhu ay ka haadan ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wariye C/maalik Muuse Coldoon lagu xidhay garoonka.

Wariye C/maalik oo todobaadyadii ugu danbeeyay joogey magaalada muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa markii uu diyaarada ka soo degay waxaa jeelka u taxaabay masuuliyiinta iyo xukuumada Somaliland.

Xadhigiisa ayaa ka danbeyey ka dib markii uu dhawaanahanba warbaahinta ka soo muuqday isaga oo taageeraya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo

COMMENTS
Latest News