Saxilnews.com
Deg Deg :-Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadley Xadhiga Agaasimahii Telefishanka Star Tv Iyo Saxafi Cabdimaalik Coldoon 
February 21, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Gaashanle Sare Faysal Xiis oo goordhaweyd warbaahinta kula hadley xarunta taliska guud ee ciidankaasi waxaa uu ka hadley xadhiga agaasimaha telefishanka Star Tv Maxamed Baashi Xaaji Xassan iyo Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldaan .

Waxaa uu sheegay afhayeenku in agaasimaha Telefishanka Star Tv la qabtey isaga oo wada kicin dadweyne iyo khal khal galin nabadgalyo daro

 

Sidoo kale afhayeenka ciidanka Boolisku waxaa uu sheegay in ay ciidanka Boolisku gacanta ku hayaan Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo lagu soo eedeyey sida uu sheegay in uu ka hor yimid jiritaanka qaranimada Somaliland isla markaana uu faafinaayey warar been abuur ah

Gabo gabadii afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in labadan saxafi kiiskooda sida ugu dhakhsaha badan loogu gudbin doono maxkamadaha dalka

Goor Dhow Filo Muqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News