Saxilnews.com
DEG DEG : SOMALILAND OO CAFIS KU SII DEYSAY MAXAABIIS .
August 11, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Ceerigaabo (SaxilNews):- warar ay shabakada Ilaysnews.com ka helayso magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag waxa ay sheegayan in xukuumada Somaliland ay cafis ku sii daysay maxaabiistii dhawaan lagu soo qabtey dagaalkii ka dhacay bariga Sanaag  ee dhex maray Somaliland iyo Maamulka Putland .

Maxaabiistan ayaa waxaa galabta laga sii daayey xabsiga magaalada Ceerigaabo oo ay ku xidhnaayeen waxaana  tiradooda lagu sheegay Afar  maxbuus .

Ma  jiro wax war  ah oo ku saabsan arintan oo ka soo baxay xukuumada Somaliland iyada oo ay xusid mudan tahay in xukuumada Somaliland ay cafis ku sii daysay maxaabiis hore oo isla dagaalkan lagu soo qabtey kana mid ahayeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland .

COMMENTS
Latest News