Hargaisa(Saxilnews)-Shirkii uu ku dhawaaqay garabka uu hoggaaminaayo Faysal Cali Waraabe oo si toos ah uga furmay Hargeysa, ayaa laalay heshiiskii ay hore u la soo galeen garabka uu hoggaaminaayo Jamaal Cali Xuseen.
Dhanka kale, waxa xusid mudan in shirkan uu qabsanaayo Garabka Faysal Cali Waraabe ay taageero u muujiyeen Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE halka uu Xisbiga WADDANI ka gaabsaday in uu ka soo qeyb-galo.
Xisiga Kulmiye ayaa Cadaystay Sida uu ula Safanyay Garabka Faysal Cali Waraabe oo ay Heshiis Hoose kuwada Jiraan waxana Xusid Mudan in Qarasha iyo Abaabulka Shirkaba Laga Waday Madaxtooyada iyo Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Taageerayaasha Kulmiye ayaa loogu labisay Calanka Xisbiga Ucid Si looga Camiro Fayasl Cali Waraabe










