Saxilnews.com
Deg Deg :- Shirgudoonka Labada Aqal Ee Guurtida Iyo Wakiilada Oo Hada Isku Shubay Madaxtooyada Somaliland + Sababta Loogu Yeedhay
February 7, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Labada shir gudoon ee golaha wakiilada iyo Guurtida oo ay kalahogaaminayaan Cabdiraxmaan Ciro iyo Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxaa ay hada galeen madaxtooyada Somaliland

Si Rasmi ah uma cada sababta loogu yeedhay laba shir gudoon ee Guurtida iyo Wakiilada balse xogo ay Ilaysnews.com ka heshay ilo ka ag dhaw madaxtooyada waxaa ay sheegayaan in kulan albaabadu u xidhan yahiin qasriga madaxtooyda kulan qaadan doonan Madaxweyne Siilanyo .

 

Sidoo kale xogahan ayaa waxaa ay intaaasi ku sii darayaan in la filaayo in ay ka wada hadalaan madaxweynaha iyo shirgudoonka labada aqal fadhi deg deg ah oo dhawaan madaxweyne Siilanyo isku yeedhay xildhibaanada labadaasi aqal isla markaana uu madaxweynuuhu u soo bandhigi doono ujeedka uu ka leeyahay fadhigaasi aan caadiga aheyn ee uu isku yeedhay

Waxii Faahfaahin Ah Ee Ka Soo Baxa Kulan Wararkayga Danbe Kala Soco

COMMENTS
Latest News