Saxilnews.com
DEG DEG :- QARAX XOOGAN OO CAAWA KA DHACAY MAGAALADA MOQDISHO
August 25, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Moqdisho (Saxilnews):- Qarax xooggan ayaa goor dhaweyd  ka dhacay nawaaxiga Xeebta Liido ee degmada C/casiis  ee magaalada Moqdisho , iyadoo qaraxa kadib la maqlayo rasaas culus.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka rasmiga ah ee uu qaraxa ka dhacay, warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa baabuur uu ka dhacay meelo ku dhow maqaayado ku yaala hareeraha xeebta Liido.

Qaraxa ka hor waxaa magaalada Muqdisho qeybo ka mid laga maqlay rasaas iyo daryanka madaafiicda  la soo riday.

kala soco wixii warar ah ee ku soo kordha qaraxa   saxilnews,com

COMMENTS
Latest News