Hargeysa (Saxilnews):- Maxkmada gobalka Maroodi-Jeex ayaa waxaa ay maanta go,aan ka dhaadhey dacwada waregyska Hubsad oo maxkmada ka socotey muddo ka badan afar bilood taas oo ay ku soo oogtey xeer ilaalinta Somaliland .
Maxkamada ayaa waxaa ay xukunka ku sheegtay in ay maxkamadu wax danbi ah ku weyday labada Saxafi ee Cabdirashiid Nuur Waceys Iyo Siciid Khadar Cabdilaahi oo damaanad ku joogay , sidoo kale na ay maxkamadu wax danbi ah oo cad ku weyday wararka sheegaya in warargeysku qoray warar been abuur ah .
Maxkamada gobalka Maroodi-Jeex ayaa waxaa kale oo ay xukuntey in wargeysku u dhameysto waxii sharci ah ee ka dhiman isla markaana mudadaas uu sharcigiisa dhameysanaayo aanu soo bixin .
Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo warbahainta kula hadley afaafka hore ee maxkamada markii uu xukunku dhacay waxa uu sheegay in xukunkaasi u dhacay qaab cadaalad ah isla markaana ay ku hanbalyeynayaan garsoorka Somaliland .
https://www.youtube.com/watch?v=TVl_jyX2KiM






